berberatoday.com
Kulan Xaasaasi Ah Oo Madaxtooyadda Ku Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Waxgaraad Uu Hoggaaminayo Oday Muuse Dalab Oo Natiijo La’aan Kusoo Dhamaaday
June 20, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan ay Warbaahintu debed joog ka ahayd ayaa Maanta Qasriga madaxtooyadda ku dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Waxgaraadka gobolka Saaxil oo uu hormuud u yahay oday Muuse Dalab. Kulankaa oo labada dhinac si weyn uga wada doodeen arrimaha xaasaasiga ah ee Gobolka Saaxil oo muran ka taagan yahay Hantida ma guurtada ah ee qaranku wada-leeyahay oo xukuumadda gacanta u gelisay shirkaddo cid gaar ahi leeyihiin iyo sidoo kale shaqsiyaad gaar ah. 
Kulankaa khusuusiga ah ay kala hoggaaminayaan Xaaji Muuse Abokor (Muuse dalab) Iyo Madaxweyne Siilaanyo ayey labada dhinac isku afgaran waayeen arrinta xiisadda amuurtay ee hadda ka taagan gobolka Saaxil ee wareejinta Dekedda Berbera oo Xukuumaddu damacsan tahay inay ku wareejiso Shirkad maamusha Dekedda Caalamiga ah oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Siilaanyo iyo Oday Muuse oo afhayeen u ahaa waxgaraadka Saaxil ayaa sida xoggaha u dhuun-daloola sheegayaan isku waydaarsaday weedho kul kulul, kuwaasoo midna aanu u garaabin kan kale, iyadoo aakhirkii kulanka labada dhinac kusoo idlaaday natiijo La’aan iyo is afgaran waa. Waxana xoggaha kulankaa ku dhow-dhowi sheegayaan inay cadho kusoo kala dhaqaaqeen labada dhinac iyo iyadoon Xal waraa laga gaadhin Xiisadda ka taagan arrinta Dekedda oo xukuumadda ka gaabsatay inay dadka deegaanka u sharaxdo Faa’iidada ugu jirtaa deegaanka.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku adkaystay inuu awood Dawladeed ku wareejinayo Dekedda Berbera, halka odayaashu Madaxweyne Siilaanyo usoo jeediyeen in dadka loo bandhigo qodobada Heshiiska iyagoo madaxweynaha u sheegay inaanay dadkoodu haba-yaraatee diidanayn maalgelin balse aanay aqbalayn in Dekedda dhisan ee Berbera aanay cidi u maamuleyn, Hase-yeeshee ay soo dhoqeynayaan hadii mid cusub laga garab yagleelaayo tii hore. 
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews