Nin Ka Badbaaday Xasuuqii Liyuu Booliska Ka Gaysteen Gaashaamo Oo Ka Hadlay Sidii Wax U Dhaceen
June 20, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Nin lagu magacaabo Saleebaan Axmed Cigaal oo ka badbaaday xasuuqii deegaanka Jaamac Dubad ee degmadda Gaashaamo ee kililka 5aad ee Itoobiya ayaa ka hadlay siduu u dhacay falkii ciidanka Liyuu Boolisku ku xasuuqeen 21 qof oo shicib ah“Salaad subax baan galay anigu magaaladda oo markii hore maan joogin, dabadeedna waxa noo yimi laba gaadhi oo saruf ah oo qayla doon ah, waxay qayla doon ka ahaayeen laba gaadhi oo is-galay iyo gaadhi qaad siday oo ay lahaayeen waa la qabsaday iyo rag la sito. Intay magaaladda gudaheeda yimaadeen ayay yidhaahdeen na siiya hub iyo ciidan, markaa waxa lagu yidhi meesha waa laga guuray, oo dadka jooga waa maatidii, maatadunna ma haysato hub iyo rasaas, wax laydin tarayaa ma jirtee orda meeshii aad ka timaadeen ku noqda. Marka magaaladdii dib bay uga baxeen balse magaaladda meel ku dhaw bay galeen. Ciidankii ayaa marka halkaa laysku rasaaseeyay oo midkoodna waxba muu noqon ee waa la kala jeestay .“