berberatoday.com
Nin Ka Badbaaday Xasuuqii Liyuu Booliska Ka Gaysteen Gaashaamo Oo Ka Hadlay Sidii Wax U Dhaceen
June 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Nin lagu magacaabo Saleebaan Axmed Cigaal oo ka badbaaday xasuuqii deegaanka Jaamac Dubad ee degmadda Gaashaamo ee kililka 5aad ee Itoobiya ayaa ka hadlay siduu u dhacay falkii ciidanka Liyuu Boolisku ku xasuuqeen 21 qof oo shicib ah“Salaad subax baan galay anigu magaaladda oo markii hore maan joogin, dabadeedna waxa noo yimi laba gaadhi oo  saruf ah oo qayla doon ah, waxay qayla doon ka ahaayeen laba gaadhi oo is-galay iyo gaadhi qaad siday  oo ay lahaayeen waa la qabsaday iyo rag la sito. Intay magaaladda gudaheeda yimaadeen ayay yidhaahdeen na siiya hub iyo ciidan, markaa waxa lagu yidhi meesha waa laga guuray, oo dadka jooga waa maatidii, maatadunna ma haysato hub iyo rasaas, wax laydin tarayaa ma jirtee orda meeshii aad ka timaadeen ku noqda. Marka magaaladdii dib bay uga baxeen balse magaaladda meel ku dhaw bay galeen. Ciidankii ayaa marka halkaa laysku rasaaseeyay oo midkoodna waxba muu noqon ee waa la kala jeestay .“

Saleebaan oo ka hadlaya markii dambe siday wax u dhaceen wuxuu yidhi,“Ciidanku Magaaladda waxay u soo galeen saf balaadhan, rasaastiina waxay ka dhigeen ood ka qaad. Marka dadkii wuxuu noqday wax yaaca ,wax guryaha gala iyo wax masaajidada gala  iyo wax ay xabadii markiiba la tagto. Markii ay ogaadeen in wixii xooga lahaa yaaceen oo ay gaadhi waayeen, dib waxay ugu soo noqdeen magaaladii oo dumarkii barbaroortay ee arkay in dadkoodii oo wax noqday ayay mid walba halkii ay fadhiday ku dileen,  qaar baa caruur dhabta ku haystay  oo caruurtii rasaastii dhaawacday . Markaasay rag ugu galeen masaajidka oo intay ka soo saareen gubeen, kadibna hilibkoodii baan guri kari waynay, markii dadkii isu yimi waanu soo ururinay hilibkoodii, dadka dhintay  intii dumarka ahayd way iska aaseen, markay aaseenna waxay nagu yidhaahdeen dumarkii meelahaasaanu ku aasnaye ka soo gurta, toddobada dumar ah maydkooda lixna meel bay ku rideen midna meel, dib baanu  uga soo faqnay oo 21 qof buu maydkii  isku noqday. Dadkii ay qabteen waxay ku yidhaahdeen la kaalaya dadkii aasi lahaa maydka. Markaa odayaal baa u tagay oo ku yidhi saw maydaan odhan dad maydka aasa la kaalaya, haa bay yidhaahdeen hanaloo soo daayo gaadiidka, markaa xabaashii baanu qodnay, iyaguna way naga durkeen, habeenkiina wixii magaaladda yaala ee mood ahaa way qaateen. Markii aaskii dhamaadayna waxay yidhaahdeen la kaalaya raggii na rasaaseeyay,haddii aad keeni waydaan xasuuq labaad baa laydin gelinayaa oo kana ad arkaysaan mid ka badan baa dhici doonna.Markaa dadkii lamay hadline qof waliba dhinac buu u dhaqaaqay. ”

Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “magaaladda dad hubaysani ma joogin, meeshu waxay ahayd meel laga guuray. Intii soo hadhay uun baa joogtay, markaa anigu intaan caagad biyo ah qaatay baan is idhi soo maydho, markii aan soo laabtayna waxaan arkay waxay dhacaya, dabadeedna duurkaan galay. Markaa qofna lamay hadal ee rasaas uun bay sadex gees kaga soo fureen rasaastii.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews