Ururka Saxafiyiinta Madaxa Banaan Ee SECJA Oo Ka Hadlay Xadhiga Weriyayaal La Afduubtay
June 20, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Ururka Suxufiyiinta ee SECJA oo Warsaxaafadeed uu soo Saaray ku Sheegay in 5 Suxufi Lagu Xidhay Is-maamulka Itoobiya ee Soomaalida.
Ururku waxa uu xukuumadda Somaliland Ugu Baaqayaa Inay Si Degdeg Ah Uga Hawlgasho Saxafiyiintan Dalkooda Lagu Soo Weeraray ee Laga Kaxaystay Taasi Oo Ka Baxsan Sharciga Saxaafada Ee Caalamiga Ah
Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV, Iyo iyo afar wariye oo kale Ayay ciidamadda Liyuu Booliisku ka Qafaasheen magaaladda Wajaale Halkaasi ooah Xuduuda Labada Dal ee Somaliland Iyo Itoobiya.
Ururka SECJA waxaa uu Sidoo Kale Canbaaraynayaa Talaabada Ay Dawlada Itoobiya HAwada uga Saartay Telefishanka HCTV iyadoo uu ilaa Hada ka MAqan Yahay
Ururka SECJA waxa uu mar kale Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay ka hawl-gasho sidii wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim u heli lahaa Xorriyadiisa, sidoo kale waxay uga mahad celinaysaa kooxda la soo daayey sida ay u qaabishay