berberatoday.com
Warbixinihii Uu HCTV Ka Diyaariyey Xasuuqii Liyuu Boolisku Ka Gaysteen Jaamac Dubad Oo Sababtay In Hawada Laga Saaro Telefishankaas, Lana Qafaasho Wariyahoogii Gabiley Oo Xabsi Jigjiga Ku Yaala Ku Jira
June 20, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Maamulka Dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sifo sharciga caalamiga ah iyo ka Somaliland-ba baalmarsan weerar uga qaaday Telefishanka HCTV oo ay gabi ahaanba hawada ka saareen ka dib markii ay dacwad ka dhan ah u gudbiyeen shirkadda laga leeyahay dalka Israel oo maamusha satellite-ka Thicom 5, iyagoo ka dibaaqaya warbixinihii uu dhawaan telefishankaasi ka diyaariyey xasuuqii ay ciidanka Liyuu Boolisku ka gaysteen tuuladda Jaamac Dubad ee degmadda Gaashaamo oo ay si wayn uga cadhoodeen.
Maamulka kililka 5-aad ee Ethiopia ayaa arrimaha kale ee la sheegay inay sida fiinta uga qayliyeen waxa ka mid ah warbixintii uu tv-gaasi ka baahiyey Badhasaabka gobolka Togdheer Mr Qabo oo kormeer kusoo maray deegaanada Xaaji-saalax iyo Bali-dhiig oo ku dhaw xadka labada dal iyo sidoo kale hadaladii dhawaan uu guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ku durray maamulkaaasi.
Amuuraha kale ee ay dawlad-deegaanka Ethiopia ku qaniineen HCTV waxa ka mid ah su’aashii ay waydiiyeen wasiirul-dawlihii arrimaha ee dawladda federaalka ee Ethiopia oo ku taxaluqaysay sida ay u aragto xukuumadda dhexe ee Ethiopia xasuuqii ay Liyuu Boolisku ka gaysteen Jaamac Dubad, taas oo uu wasiirul-dawlahaasi si cad u sheegay inay wax ka qaban doonaan oo ay sharciga horgayn doonaan cidkasta oo ay ku cadaato inay ka danbeeyeen dilka dadkaasi.
Qoraalkan oo uu wasiirka warfaafinta dawlad-deegaanka soomaalida Ethiopia u qoray shirkadda maamusha Thicom 5 ayaa lagu sheegay inaanu wax sharci ahi ka jirin oo ay bilaa deganaansho tahay Somaliland, isla markaana ay warbixinaha uu HCTV ka diyaariyey ay kala munaaqishoon doonaan dawladda federaalka ah ee Somalia, taas oo fadeexad ku noqonaysa Somaliland.
Sidoo kale wariyihii telefishanka HCTV ee gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim ayaa maalintii shalay laga qafaashay gudaha magaaladda Wajaale, kaas oo sida xogo warbaahintu ka heshay sheegayaan uu u yeedhay guddoomiyaha degmadaasi qaybteeda Ethiopia oo u yeedhay una sheegay inuu doonayo inay shaqo u qabtaan isaga wariyeyaal kale oo uu ka mid yahay, balse dhamaantood markiiba ay ciidamada liyuu boolisku u kaxeen magaaladda Jigjiga oo uu ilaa hada ku xidhan yahay, iyadoo sida xogahani sheegeen la sii daayey suxufiyiintii kale ee lala xidhay ee ay wada socdeen.
Talaabadan farogalinta qaawan ah ee ay dalad-deegaanka kilalka shanaad hawada kaga saareen HCTV ayaa noqonaysa mid dhabar-jab ku ah xidhiidhkii wanaagsanaa ee dhaqan-dhaqaale ee ka dhexeeyey Somaliland iyo Ethiopia, iyadoo aan u meel-dayi doonin warbaahinta kale ee dalka sida Telefishanka Qaranka ee ay maamusho xukuumadda Somaliland.
Sida ay tibaaxayaan warbixino lagu qoray website-ka dawlad-deegaankaasi ee Cakaaranews wasiiro ka tirsan kililka shanaad ee Ethiopia ayaa u soo hanjabay ganacsato reer Somaliland ah oo ay ka mid yihiin Ina Afdiinle iyo shirkadda Dahabshiil, kuwaas oo ay la xidhiidhiyeen inay door ku lahaayeen shaqaaqadii Jaamac Dubad iyo baabuurtii jaadka siday ee la isku laayey.
Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada ka hadlin faro-galintan qaawan ee ay maamulka kulilka shanaad sameeyeen, taas oo xagal-daacinaysa xuquuqda ganacsi ee muwaadiniinteeda, maadaama oo HCTV yahay telefishan ka diwaangashan Somaliland oo uu leeyahay muwaadin reer Somaliland. Gaba-gabadii waxa jira xogo sheegaya in dawladda Somalia warmurtiyeed ay kaga hadlayso arrimahan ay kasoo saari doonto magaaladda Muqdisho saacadaha soo socda, taas oo dhabar-jab ku ah jiritaanka iyo qaranimada Somaliland-ba.

Nasir Adam

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews