berberatoday.com
Xukuumadani Inay Xaraashto Halbaawlayaashii Dhaqaalaha Ee Qarankani Ku Taagnaa, Waxay Dhamaan Meel Marsatay Sifo Aan Sharci Ku Wareejintii Hamaha Berbera, Xaruntii Kaluunka, Laydhkii Berbera Iyo Maanta Oo Ay Wareejinayso Dekadii”.Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
June 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-War qad furan oo ku socota umadda rer Somaliland gudo iyo dibad. 
Anigoo ah xildhibaan Maxamed Faarax qabile waxaan jiclahay inan si mugleh isu dultaago arinta jaha wareerku ka taagnaa baryahayn danbe kuna saabsanayd wareejinta kaabayaashii dhaqaalee ugu waaweynaa dalkan Somaliland. Muran kuma jiro indakhliga somaliland dawlanimadeedu ku taagnayd mudo 25 sanadooda, 80% boqolkiiba sideetan ka soobaxaysay kaabayasha kala ah: dekeda berbera, hamaha kaydka shidaalka, kastamka, airport ka caalamiga ah oo dhamaantood ku yaala magala xeebeeda berbera ku waasoo dhamaantood xukumada Somaliland u goodiyayso gacan ajanabi.
Xukuumada somaliland ee uu hogaaminayo mudane ahmed maxamed siilaanyo xaraashka hantida qaranka ee ku socda xawliga aan la malayn karayni waxay fasax ka haysataa siday iniga ilatahay meel ka baxsan shuruucda dalka uyaala ee uu ugu mudanyahay distoorka qaranka jsl iyo shuruucda kale ee dalka, sida ku cad qodabka 53 aad ee distoorka qaranka oo dhigaya heshiiskasta oo caalamiya ama goboleed oo aan golaha wakiilada eegin mud daro iyo munafacaad wuxuu dalka u leeyahay aan la soo marin ka baarandagiisa Waa xaaraan inla dhaqan galiyaa.
Waxay xalaashatay xukuumadani inay xaraashato daba galiskana ubixiso halbaawlayaashii dhaqaalaha ee qarankani ku taagnaa, waxay dhamaan meel marsatay sifo aan sharci ahayn wareejintii hamaha berbera, xaruntii kaluunka, laydhkii berbera iyo maanta oo aay wareejinayso dekadii, kastamka oo ku hoosjira, airport kii weynaa ee berbera iyadoo kutalo jirta sidaan ka warqabno xaraashka dhamaan dhismaayii ee danta guud ee kuyaalay berbera, iyadoo horana uxaraashtay dhamaan dhismayaashii hargeysa ee qaran ka, buuraha simoodi iyo qarasgoo ee ku kala yaala gobolada saaxil iyo awdal ku waasoo ay goboladaa ku qabsadeen culaysyo fataha oo siyaasadeed laguna cidhiidhi galinayo bulshada ku dhaqan goboladaa.
Berbera iyadoo isticmaalaysa shaanbadii qaranka iyo ufo qabyaaladaysan oo dhalisay jaha wareer, amaan daro iyo kal soonodii shacbiga oo meeshii kabaxda, ku tagrifal gaadhay heerkuu ugu sareeyay taabtayna dhaam bulshada ku dhaqan dalka somaliland.
 
Maantoo udanbeysay waxa dhabada garoonka diyaaradaha berbera ka soodagay hawl wadeeno ka socda shirkada dp world ku waa soo magaalada berbera kula kulmay xubno ka socda madaxtooyada Somaliland halkaas oo nuxurka kulan koodu uu ahaa warejintii kama danbeyta ahayd ee dekeda iyo wixii ku hoosjirayba, isla markaana wararka na soo gaadhay cadaynayaan in dhaan waax yaha dekeda lagu wargaliyay arintaas loona gudbay tiro koobka qalabka,gadiidka iyodhamaan wixii aydakadu ku shaqaynaysay.
Waxanay bulshada rer Somaliland ka war la’ayn culayska iyo cadiiska haystay rer saaxil ee dir sooca ahaa, maanta waxaa ibo keenay meel aan lakabi karayn inay ka jabto qaranimada Somaliland, smaynta ay ku yeelan doontaana ay noqondoonto mid farta dhexda laga qaniino.
Hadaba anigoo ah xildhibaan ka soo jeeda gobolka saaxil kana tirsan golaha wakiilada, islamarkaana xubin ka ah gudida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka, mar haday dhacday inan dariiqii sharci labaal maray in la iska dabaqo sidii ladoonana loogu laafyoodo sida hamahii kaydka shidaalka ee wakiiladu aqlabiyada ku laaleen ee hadana la iska socodsiistay,ma dhacayso in shir doceedyada iyo weji ku macaashayada lagu maydhaamay shuruucdii qaranka inay tahay xaalad laf jab ah oo aan laqaadan karin.
Qarankasta waxaa halbeeg u ah sharciga uu dhigtay kaas oo iallliya nidaamka ilaalinta guud ee dalka. Waxaan umada rer Somaliland ee iska leh karaamada qaranimada oo aanu wakiil uga ahayn uban dhigayaa inanay Sii dhawrin oo anay Sii eegan waxanu sharci ku jidayn, sigaara waxaan ugu wargalinayaa bulshada gobolka saaxil inay iskugu yimaadaan shir degdega oo ay ku lafaguraan waayaha dushooda ku haadfuray ee la doonayo in qayb qaybintooda lagu dhagareeyo khiyaamo qaran oo dalkan lagu curyaaminayo.
Waxaan ku soo gaba gabaynayaa war murtiyeed kaygan weyso uma dhawrna badheedhaha iyo habdhaqanka madaxweyne Ahmed siilaanyo, rer saaxilna marag ka noqon maayaan meesha lagu dhaawacayo tacabkii umadan, miidiidina qaadan maayaan qaabka loola dhaqmayo, Waa arin mudan ka gilgilasho iyo dareen celin iyadoo loo raacayo distoorka iyo shuruucda qaranka.
Sidaas daraadeed talo arinkaa lagu lafa guraa Waa lagama maarmaan.
ALLAH -MAHAD LEH
XILDHIBAAN MAXAMED RAFAX QABILE
HARGEYSA, SOMALILAND

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews