berberatoday.com
Ururada Bulshada Rayidka Ah Ee Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Madaxweyne Silaanyo
June 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland ayaa qasriga madaxtooyada Somaliland kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynaha Somaliland.

Guddoomiyaha dallada jilayaasha aan dawliga aheyn ee SONSAF, Mustafe sacad Dhimbiil ayaa war qoraal ah oo uu na soo gaadhsiiyey waxa uu u dhignaa sidan:-

“Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, kuna hawlan arrimaha horumarinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka ayaa kulan la qaatey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’,
kulankaasi oo ka qabsoomey madaxtooyada. Ujeeddada ugu weyn ee kulankaasi waxa ay
daarneyd arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo sidii hannaanka socda ee diwaangalinta si hufan loogu soo geba-gebeyn lahaa si doorasho xor iyo xallaal ah loogu diyaargaroobo.
Ururada Bulshadu waxa ay kulankaasi la wadaageen Madaxweynaha aragtidooda iyo
tallooyinkooda wax ku oolka ah ee ku saabsan horusocodka doorashooyinka, iyaga oo dareen ka muujiyay wakhtiga hadhsan iyo hawsha ballaadhan ee doorashada ka horreysa, isla markaana ku taliyay in la iswaafajiyo shaqada hadhsan iyo wakhtiga aan haysano loona baahan yahay dedaal dheeraad ah iyo iskaashi dhex mara dhamaan daneeyeyaasha doorashooyinka.
Sidaa darteed, Ururada Bulshadu waxa ay dhawaaq dheer ugu sheegayaan beesha caalamka ee inaga taageerta arrimaha doorashooyinka iney xoojiyaan isla markaana ay dedejiyaan taageerada mugga leh ee ay Somaliland ka siiyaan dhinaca doorashooyinka. Waana in dhammaan dhinacyadu ay ogaadaan in wada jir lagaga bixi karo marxaladdan hadda lagu jiro, si looga midho dhalliyo hiigsiga in doorasho ku dhacdo wakhtiga loo qoondeeyey ee 27-ka bisha saddexaad ee sannadka 2017-ka ee foodda inagu soo haya haddii Alle idmo.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland wuxuu kula dardaarmay “Ururada Bulshada Rayidka ahi inay sii wadaan taageeradii ay ka geystaan hawlaha guud ee qaranka gaar ahaana arrimaha doorashooyinka.”

 

 

 
Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews