berberatoday.com
Ciidamada Booliska Degmada Sheekh Oo Xabsiga Utaxaabay Wariye Sidiiq Carab Saleebaan Oo Katirsan Suxufiyiinta Gobolka Saaxil Iyo Mudaharaad Kadhacay Degmadaas
June 22, 2016 - Written by Berbera Today

sidiiq CarabSheekh(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Degmada Sheekh ayaa saaka subaxnimadii Xabsiga Utaxaabay Wariye Sidiiq Carab Saleebaan oo katirsan Suxufiyiinta Madaxa banaan ee ee ka Hawlagala Gobolka Saaxil, wariyahan oo labadii maalmood ee udanbeeyay kusgnaa Degmada Sheekh oo Xaaskiisu dagantahay ayaa saaka sawiro iyo Muuqaalo Video ah ka qaaday Mudaharaadkii Taayirada lagu gubaayay ee ka socday degmada Sheekh waxaana sidaas ku xidhay Ciidamada Boolisla Degmada sheekh kana qaaday Qalabkiisii uu ku shaqaynaayay waxaanu ilaa hada ku xidhanyahay Saldhiga dhexe ee Degmada Sheekh iyada oo dad kaloo Mudaharaadkaas loo xidhxidhayna kula xidhan yihiin. 

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Sheekh Ibraahim Cabdillahi Cabsiiye Iyo Taliyaha Booliska degmadaas oo aanu isku daynay in aan wax ka weydiino dhacdadaas Taayirada lagu gubay ayaanay labadaba noo suuragalin in aanu tilifoonka ku helo waxse dad goob joogayaal ahi noo cadeeyeen in Mudaharaadkaasi dhacay mudo koobana taayiro ku gubanayeen jidadka laamiga ah ee Degmada Sheekh sidoo kalena Wariye Sidiiq Carab Saleebaan Iyo Dad kaloo shicib ahana la arkaayay iyaga oo Boolisku  Xidhxidhaaya.

Xadhiga Wariyahan ayaa ah Mid sharciga Baalmarsan sababtoo ah wariyuhu waxa uu Muuqaal iyo Sawiro ka qaadanaayay dhacdo run oo hortiisa ka dhacday wax danbiya oo uu galayna ma jirto waxaanay kamid tahay talaabada wariyahan lagu xidhay Cabudhinta iyo Cagajuglaynta Xukumada Madaxweyne Siilanyo kuhayso Suxufiyiinta Madaxa banaan iyo haayadaha warbaahineed ee madaxa banaan

kala soco shabakada Wararka Berberatoday.com wixii war Kasoo Kordha

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews