berberatoday.com
Maxamuud Xaashi Haddaanu Diin Garanaynin, Inuu Edaab Yeesho Ayay Ahayd. Culimadana Isaga Iyo Wax La Meeqaam Ahi Waxba Ma Yeeli Karaan.
June 22, 2016 - Written by Berbera Today

Maxamuud xaashi waa ruux markiisa horeba qabyaalad kurisga ay khaliifadda waris ku keentay, oo aan meel uu usoo maray jirin. Hadduu siiraanyo adeernimo xilka qaranka ugu dhiibay, oo uu xaaraan ka dhargay, may ahayn inuu culimada aflagaaddo iyo ceebayn ula soo fadhiisto isagoo magansanaya culimo afka wax loo geliyay, oo uu gabbood ka dhigtay.
xaashi(12).jpg
Waynu ognahay inaanu aqoon iyo raganimo midna kursiga ku iman, ee ay ahayd ayaad tahay, iyo qabyaalad aan xishood iyo anshax midna lahayn.

Marka doqonku ay dharagto waxaa laga filaa inay dinnaahiso, oo afkeeda wax walba ay kazoo yeedhaan.

Maxamuud xaashi hadduu xishoodka garan waayo, oo culimada ku dagdago, waxay dhaxal siin doontaa

inuu ku dambeeyo iqariya, oo aan siiraanyona wax ba u tari doonin, cid kalena waxba u qaban doonin. Qaranku xil umuu dhiiban, ee adeerkii ayaa qabyaalad ku keensaday, ee yuu iska dhigin ruux ummadda dan uhaya.

Edaabta oo kaa xumaataa waxay ku dhaxal siisaa, inaan kala garan waydo inaad sharci iyo sifo saxa kursiga aad ku timid. Hadduu u haysto inuu islaamnimo ku sifoobay, ha hubiyo inuu lacagta xaaraanta ah ee uu lunsaday, ee aanu hore u haysan, ee meel uu ka shaqaystay aanay jirin, inuu sako ka bixiyo iyo inkale. Hadduu u haysto in sakado oo la bixin waayaa ay islaam nimo tahay waa beenaale, waana gaal ruuxa sakada bixin waayaa.

Sakada waxaa ugu yar hanti labaatan neef oo adhi ah, waa qiimaha 1500 oo dollar, markaa ruuxa intaa kabadan haysta ee bixin waayaa, islaam maaha, haddii culimadu daliil u hayso inuu islaam yahay iyaga ayaa sheegi.

Maxamuud xaashi weligii sako muu bixin intii uu xoolaha xaaraanta ah kasbanayay, ee ay ka bilaabanto intii siiraanyo kolba meel wasiir ugu magacaabayay. Sakada ruuxu ma ulaha xaq inuu qariyo sida sadaqadda, ee waa inuu meel ummaddu wada arkayso keeno, oo aanu isagu weliba maamulkeeda gacan ku yeelan. Hadduu islaam yahay markaa ha sheego iyo meesha uu ku bixiyo. Haddii kale xoolo xaaraan lagu helay sako kuma waajibto ayuu daliishanayaa..

Ruuxu haddaanu diin lahayn waxuu ku lumaa, waxka sheegga diinta, marka lasoo hadal qaado in xaaraanta, iyo hantida ummadda oo la dhacaa ay ka mid tahay dambiyada ugu waawayn, waxuu ka qaadaa gubasho, oo kama seexdo, saa waxuu ogyahay in ummaddu ka wada warhayso,e . waxay soomaalidu tidha qofba meesha bugtaa isagay balbashaa…

Haduu maxamuud xaashi culimo afur siiyay si uu culimada waaweyn wax uga sheego, kuwa isku sheegayay culimada iyo kuwii culimada ahaa ee isaga ag joogay, way ka gaabsadeen inay runta u sheegaan. cid runta looga gabbado, oo Ilaahay la dhaafsadaa ma jirto, wax xalaal ahna maaha.

Culimadii dhagaysanaysay, ee qaarkood uu kala qiimo batay inay afurkaa kunaan, oo dhagaystaan ruux aan diin aqoon oo culimo af lagaadaynaya waxaa saaran culays aanay aakhiro ka jawaabi doonin.

Culimadu hadday afur ku dhimanayaan, oo dhagaystaan ruux hantidii qaranka xalaashaday, oo aan hore maal adduunyo meelna uga soo shaqaysan, imikana malaayiin haysta, oo aan kuu sheegi Karin siday ku soo gashay, oo weliba ku indha cad, iskuna faaninaya inuu xil qaran hayo, waa arrin la yaab leh.

Culimadu waxay waajib u leedahay inay ruux kasta oo meel haya, ama aan xil haynin ay runta iyo sharciga u bayaamiyaan, hadday kala xishoodaan dadka inay xaqa u sheegaan, kuwaasi iyaga ayaan culimo lagu tilmaami Karin, ee kitaabka Rabbi yay ku shaqaysan, oo culimo isku sheegin, saa iyagaaba dambi korodhsanayee.

Eng. Youssuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London  U. K.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews