Sideed Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Mudug
June 22, 2016 - Written by Berbera Today
Galkacayo(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay dagaal gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Qaydara oo dhanka Koonfureed 120 KM kaga began magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Isku dhaca malayshiyaadka ayaa daba socday iska hor imaadyo koo kooban oo kol hore labada dhinac dhaxmaray hasa ahaatee laguma gulaysan in la xaliyo balse waxaa jiray dadaalo ay wadeen masuuliyiin Galmudug ah iyo Odayaal dhaqan.