Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Cashuur Saartay Caagadaha Biyaha Laga Cabbo
June 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa ansixiyey Cashuur dheeraad ah oo Guddida Bilicda Caasimaddu ku soo rogeen Warshadaha soo saara Biyaha Sifeysan ee loo yaqaanno Moysaxada.

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo Saxaafadda la hadlay ka dib kulan Shalay Wasaaradda Arrimaha gudaha ku dhex maray Guddida Bilicda Hargeysa iyo Masuuliyiinta Warshadaha Biyaha oo daba socday Ansixinta Golaha Deegaanka ee Cashuurta la saaray Caagadaha Biyaha laga cabbo, ayaa faahfaahiyey Cashuurka lagu kordhiyey Caagadaha biyaha laga cabbo iyo waxa lagu qabanayo.