“Siilaanyo Waa Saaxibkay Laakiin Waxaan Leeyahay Uma Qalantid Inaad Umadda Hogaamisid”Kulmiye Waxa Isku Urursaday Intii Cadhaysnayd Ee Iyagu Colka Ahayd” Daawo AMB: Cawil Shalay Iyo Maanta
June 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii Hore Maaliyadda oo Mustaqbalka Dalka Jamhuuriyadda Somaliland sii Saadaaliyay Tilmaamayna in Meel Dheer Somaliland laga Dooni doono.
Wasiirkii Hore Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Cahdigii Madaxweyne Rayaale Mudane Cawil Cali Ducaale oo Kumanaan Jamaahiirta Xisbigii Udub Beerta Xoriyadda Hargaysa Ku lahadlayay,ayaa ka Dayriiyay sida uu Dalku noqon doono,isaga oo shaqsi shaqsi isu dultaagay Qoorweynta Kulmiye iyo hadimooyin uu sheegay in ay dalka ka gaysteen.