berberatoday.com
Wargeys Caalamiya Oo Warbixin Dheer Ka Diyaariyay Gawaadhida Loo Yaqaanno TUKHAANKA Ee Ku Soo Badanaya Magaalada Hargeysa Iyo Guud Ahaan Somaliland
June 23, 2016 - Written by Berbera Today

Waalidiinta Somaliland oo  wiilashooda u iibinaya tagaasi si ay uga joojiyaan khatarta tahriibka ee ay tagayaan Waddamada Yurub”

Dukhaan

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska caanka ah ee Afrikan Quartz ayaa warbixin ka diyaariyay Baabuurta yaryar ee loo yaqaan Dukhaanta ee ka shaqeeya Gudaha magaalada Hargeysa.

Wargeysku, waxaa uu warbixinta Ciwaan uga dhigay Waalidiinta Somaliland oo  wiilashooda u iibinaya tagaasi si ay uga joojiyaan khatarta tahriibka ee ay tagayaan Waddamada Yurub.

Warbixinta Wargeyska oo Af Ingiriisi ku qorneyd oo Wargeyska Himilo u turjumay Afsomali waxaa ay ku sheegeen in Gawaadhida aynu u naqaano tukhaanka, magaalada Hargeysa looga Yaqaano (Hooyo ha Tahriibin) Warbixinta oo aanu turjunayna waxay ahayd sidan.

“Waalidiinta Somaliland waxay isku dayayaan sidii ay caruurtooda uga joojin lahaayeen khatarta  tahriibka sharci darada ah ee ay ku beegsanayaan inay ku galaan qaarada Yurub, si taasi ay joojiyaan waxay dhalinyarada u iibiyaan baabuur hore loosoo isticmaalay (Second Hand), gawaadhidan yaryari oo  u shaqeeya sidii Taxi ahaan waxay kusoo badanayaan Hargeysa oo ah caasimada waddan Somaliland oo sheegtay inay ka go’day kana madax banaantahay Somaliya. Gawaadhidan  waxaa loo yaqaanaa (Hooyo Ha Tahriibiin) taasoo marka lagu macneeyo af Ingiriisi noqonaysa Hooyada oo wiilkeeda u diiday inuu Tahriibo (My Son Do Not Tahriib).

Tahribi waa kalmad af carabiya oo noqonaysa Tabriibiye, micnaheeduna waa socdaalka sharci darada ah ee dhalinyar somalidu ku doonayso inay ku tagaan Yurub, dadka Yurub joogaana waxay u yaqaanaan masiibo ku dhacday waddankooda.sida aanu kasoo xiganay barta ay internetka ku leedahay Nimco Ilhan Cali oo ah shahaadada PHD sidata islamarkaana ah barre jaamacado afrikaan ah.

Sanadihii u dambeeyay, dhalinyarta Somaliland kasoo tahriibaysaa waxay usoo tahriibaan sida dhalinyarta dhigooda ah ee Somaliya dalkaasi oo ay ka jiraan dagaalo sokeeye waxay soo maraan Itoobiya, Sudan, Libya iyo bada Midetrenianka.

Baddan oo ah mid khatar badan waxaa kasoo talaabay sanadkii hore 4000 oo tahriibayaal ah laakiin sanadkan 8% waxaa la sheegay inay soo gaadheen Talyaaniga.

Bulshada ku nool Somaliland waxay aaminsanyihiin in lacag lagu helo caydha la siiyo marka ay dhalinyartu Yurub tagto taasi oo dhiiri galisa inay tahriibaan laakiin waxaa kale oo jira Somaliland dhalinyaro intay dibada wax kasoo bartaan haddana ku noqda dalkooda.

Mukhalasiintu tahriibayaasha qoysaskooda ka dalbadaan madax furasho lacag dhan in qofkiina bixiyo 7, 661 doollar oo maraykan ah marka ay ku qabtaan saxaaraha una tahriibinayaan Yurub, laakiin dhaqaalaha xaafada lacagtaasi soo gala sanadkii waa 348 doolarka maraykan ah.

Baabuurta lasoo isticmaalay kama badna $2000 ilaa $3000, qoysaskuna waxay aaminsanyihiin in caruurtooda ay dhaqaale ka helayaan Gawaadhidan islamarkaana ay tahay xal kaliya ee ay ku joogayaan.

Ma cada in qorshahani uu sii shaqeyn doono, shaqo la’aanta dhalinyaradana Somaliland waxaa lagu qiyaasaa 70%  laakiin waxaa jira mushkilado badan oo dhalinyartaasi haysta sida waddanka oo aan haysan Ictiraaf caalamiya iyo qaar kamida dhalinyarada oo ku nool dalka dibadiisa.Lacag ka sameynta baabuurtan yaryari maaha mid joogto ah, magaalada Hargeysana imika waxaa soo buux dhaafiyay Gawaadhida Hooyo Ha Tahriibin”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews