Wariye Sidiiq Carab Saleebaan Oo Maalintii Labaad Kuxidhan Saldhiga Dhexe Ee Berbera Iyo Xaaladiisa Caafimaad Liidata
June 23, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wariye Sidiiq Carab Saleebaan oo katirsan Bahda Warbaahinta Gobolka Saaxil kana hawlagala Tvga Madaxa banaan ee SBC ayaa maalintii labaad sife sharcidaro ah ugu xidhan Saldhiga dhexe ee Berbera iyada oo aan xadhigiisa loo marin sida sharcigu jideeyay oo ah in Waaran Maxkamadeed uun Wariyaha lagu Xidhi karo ayaa waxa si sharciga dalka uyaala baalmarsan uga soo xodhay Degmada Sheekh Ciidamada Booliska ee Degmada Sheekh ee Buuralayda ah kadib markii Wariyaha oo halkaas kusugnaa maalmihii udanbeeyay isaga iyo xaaskiisu la kulmay Mudaharaad ay dhigayaan dadka kudhaqan degmadaasi iyaga oo taayiro ku gubay jidadka magaaladaasi sheekh dhex mara, Mudaharaadkaas ayaa la sheegay inay dadka dhigayaayay ku diidanaayeen in shirkada DP World lagu wareejiyo Dekeda caalamiga ah ee Berbera amaba laga kireeyo.