berberatoday.com
Warqad Uu Xoghayihii Qaramada Midoobay Ee BUTRUS QAALI U Soo Diray Guddoomiyihii Guurtida Somaliland Ee Geeriyooday Oo La Helay Iyo Farriinta Ay Xambaarsanayd
June 23, 2016 - Written by Berbera Today

“Waan idinku dhiirigalinaynaa dedaalo kasta oo aad ugu jirtaan dhisidda nabadda iyo xasiloonida aad ka wadaan Gobolka iyo go’aanka aad la wadaagaysaan dadkiina.” Xoghayihii Qaramada Midoobay ee Sagaashamaadkii

butrus qaali

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska Himilo, ayaa helay Warqad uu toos ugu soo diray Golaha Guurtida Somaliland, Xoghayihii hore Qaramada Midoobay Mr. Botruos Ghali markii ay dalka ka socdeen dagaalladii Sokeeye.

Mr Botruos Ghali oo Xoghaye ka ahaa qaramada midoobay sagaashamaadkii ayaa markii ay dagaalladu ka socdeen magaalada Berbera waxaa uu warqad u soo diray Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida Somaliland Allaah u naxariistee Marxuum Sheekh Ibraahim Sh.Yuusuf Sheekh Madar, taas oo uu kaga codsanayay Golaha Guurtida Somaliland inay ka shaqeeyaan Nabadda Bulshada isla-markaana waan waan nabadeed ka bilaabaan magaalada Berbera oo markaasi dagaalka ka socday.

Warqaddan oo Afka Ingiriisiga, hasa-yeeshee Wargeyska Himilo u rogay Af-Soomaali, ayaa u qornayd sidan, “Waxaan doonayaa inaan kaaga mahadnaqo sidaad nooga aqbashay qorshaha 90-ka maalmood ee Qaramada midoobay u qorsheysay in xaaladda Bini’aadanimo laga sameeyo Soomaaliya, Qaramada Midoobay way soo dhaweynaysaa, wayna idinka caawinaysaa dedaallada Somaliland ay ku dhisayso nabadda iyo dawlad-wanaagga oo ku dhisan xorriyadda iyo fikirka dimuqraadiyadda”ayuu yidhi Xoghaye Botruos Ghali

“Aqalka sare ee Guurtida waxaanu leenahay waxaad sameysaan Dedaal kasta oo aad ku xalinaysaan ama dhex kaga noqonaysaa Khilaafka ka jira Berbera, waxaad bulshada iskugu yeedhaan Shir-Qaran oo lagu dhisayo degganaan siyaasadeed, laguna abaabulayo is-dhexgal bulshada ah. Ciidamada Qaramada midoobay waxay idiin fududaynayaan in magaalada Berbera aad ka bilowdaan qorshaha Qaramada Midoobay ee 90 maalmood. Qaramada midoobay waxay idiin ka caawinaysaa kharash kasta oo ku baxaya gaadiidka iyo ciidamo nabadda suga si Golaha Guurtida Somaliland u abaabulaan inay nabad dhalato. Waxaan jecelnahay inaan idiin keeno ogeysiiska qorshaha  90 maalmood ee Qaramada midoobay idinkoo ah Gobolada Waqooyi, balse waxaan idinka codsanaynaa inaanan idiinku keenin Somaliland, waayo? taasi waxay tilmaamaysaa inay Somaliland tahay lix Gobol oo ka mida Soomaaliya. Qaramada midoobay waxay si xoog ah Somaliland uga taageeraysaa dhinacyada Nabad-galyada, iyada oo aan loo eegin aqoonsi ay qaramada midoobay ka haysato. Waan idinku dhiirigalinaynaa dedaalo kasta oo aad ugu jirtaan dhisidda nabadda iyo xasiloonida aad ka wadaan Gobolka iyo go’aanka aad la wadaagaysaan dadkiina.”

Botruos Ghali, Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay ee Warqadda u soo diray Guddoomiyihii Geeriyooday ee Guurtida Somaliland, ayaa isaguna Geeriyooday Dabaqaayada Sannadkii hore 2015-ka.

Botruos Ghali, ayaa ahaa Muwaadin u dhashay Dalka Masar.

 

 

Xigasho Wargeyska Himilo 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews