berberatoday.com
‘’Anigu Ramaax Ahaan Oromada Kama Jecli Dadkaa Aad Sheegayso Ee Lagu Laayey Jaamac Dubad Dawlad Bay Hoos joogaan Aynu Udayno”Gudoomiyaha Gobolka Awdal Ramaax Cali Hayste
June 24, 2016 - Written by Berbera Today

Borama(Berberatoday.com)-Badhasaabka gobolka Awdal ayaa si jees jees ah uga hadlay xasuuqii ka dhacay degaanka Gaashaamo iyo sidoo kalena xadhiga weriyaha HCTV ee ay dawlad degaanka Ethiopia afduubteen. “Jaamac Dubad Dadka Lagu Laayey Aniga Ramaax ahaan anigoo Afkayga ku hadlaya oo kii Dawladda halkaa Dhigay Oromo iigama Duwana…Maxamuud Cali Saleebaan {Ramaax}

ramaax8

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Ramaax Oo Dafiray Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland

‘’Somaliland Waa Maamul Goboleed ka mida Somaliya ee Ma nihin Dawlad Waa run Waxa Killilka Shanaad Innagu Sheegeen……Badhasaabka Gobolka Awdal Ramaax.

“HCTV Ninka Leh {Farxaan Xaaji Cali} ayaan Necebahay in Laga Xidho Tvga waan Taageersanahay……Badhasaabka Gobolka Awdal Ramaax Cali Hayste

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa Si Jees Jees ah isagoo uga Hadlaya Wuxuu dafiray isla markaana Mugdi geliyay Qaranimadda iyo Madax bannaanida Somaliland.

Gudoomiyaha oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Gaar ahaan Xafiiska Wasiir ku Xigeenka Goboladda iyo Degmooyinka Somaliland Dhex taagan isla markaana Huwan sharaf Gudoomiye Gobol oo u dhigma Madaxweyne ayaa qaar ka mida warbaahinta Dalka u Sheegay in Somaliland aanay Dal Madax bannaan ahayn ee ay tahay Maamul Goboleed la mida kuwa Somaliya ka jira.

“Warbaahinta Waxaan ku arkayey Qaar leh Dawlad Deegaanka Soomaalida itooboya ayaa Somaliland ku Sheegtay Maamul Goboleed Waa Runtood maamul Goboleed ayaynu nahay Qaran Ma nihin Dawlad ma nihin Waan ku Raacsanahay Arintaa, Saxaafada Somaliland waxaan leeyahay Caga Dhigta oo Daaya Killilka Shanaad.

Intaa ka dib Qaar ka mida Suxufuyiintii Madasha taagnaa ayaa Badhasaabka Su’aalo Waydiiyey Gudoomiye Miyaanad Badhasaabkii Gobolka Awdal ahayn markaad sidaa u hadalayso:

Jawaab :  Waan Ahay Run Baan idiin Sheegayaa nin Dalkiisa iyo Dadkiisa ilaashanaya ayaa Afka La gelaysaan Waxaydaan ahayn ayaa is moodiin Wiilashiinan Suxufiyiinta Sheeganayaa

Su,aal:  Ma Ina Iley {Cabdi Maxamuud Cumar} Madaxweynaha DDSI ayaad ka baqaysaa oo safarada aad jigjiga ku tagto ayaad is leedahay way istaagi ileyn Qaranimadii waadigan dafiraye.

Jawaab:  Anigu Haddaan Maanta Somaliland Madaxweyne ka ahay waan idin wada Xidhi lahaa HCTV in Laga Xidho Hawada Walaahay waan ku faraxsanahay Ninka Lehna Farxaan Col Baan la’ahay Weligiina In uu Hawada Ku Soo Noqdo Ma Jecli.

Su,aal:  HCTV Ma taagna Arinta Laga Hadlayaa Waa qarranimadii Somaliland iyo Muwaadin Reer Somaliland iyo Dadki Lagu Laayay Jaamac Dubad Waraaqda ma akhriday DDSI Qortay.

Jawaab : Horaan idinku Sheegay Ma nihin Qaran Dawladda oo madax bannaan Waxaynu Nahay Maamul Goboleed Sidaasaan aaminsanahay,Dadka Jaamac Dubad Lagu Laayey Waa’ayo Weriye Adigaan ku Waydiiyee {Weriyihii ayaa u jawaabay waa Itoobiyaan Hayb ahaana Waa ISAAQ} Anigu Ramaax ahaan Oromada kama jecli Dadkaa aad Sheegayso ee Lagu Laayey Jaamac Dubad Dawlad bay hoos joogaan aynu u dayno.

Hadalkan Gudoomiyaha ayaa ku soo beegmaya Xilli Suxufiyiin u Dhashay Somaliland laga Afduubay Degmadda Togwajaale ee Xudduuda Somaliland iyo Itoobiya isla markaana uu jiro Khilaaf u dhexeeya Masuuliyiinta DDSI iyo Maamulka Telefiishanka Madaxa bannaan ee HCTV iyadoo ay jirto Baqdin Quluubtooda ku jirta Qaar badan oo ka mida Masuuliyiinta Somaliland.

 

 

Xigasho Wargeyska  Sahan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews