Hargeysa(Berberatoday.com)-Kooxda daba-galka Qaramada Midoobay ee warbixinaha u diyaariya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa indhahooda ku soo jeediyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.
sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, kooxda UN Monitoring Group waxa ay baadhis ku hayaan sanduuqyada xisaabeed ee xubno ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Sida ay ilahani sheegeen kooxdani waxa ay baadhista koowaad ku hayaan lacagaha lagu kala qaatay heshiiska dekedda Berbera iyo DP world inay ku dhaceen sanduuqyada xisaabeed ee dawladda Somaliland iyo in lagu wareejiyay meelo kale oo gaar ah.