Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Khamiislaha Ahaa Ee Golaha Wasiirada Xukumada Somaliland
June 24, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkii todobaadlaha ahaa ee golaha xukuumadda oo tirsigiisu ahaa 199, ayaa maanta oo ah 23-June-2016, ku qabsoomay hoolka shirarka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkan oo uu gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa lagu lafaguray shaqada xukuumaddu dalka ugu xilsaaran tahay, gaar ahaan mowduucyada taagan wakhtigan xaadirka, kuwaasoo xubnaha wasiirada ahina ka jeediyeen aragtiyadooda.