berberatoday.com
Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Khamiislaha Ahaa Ee Golaha Wasiirada Xukumada Somaliland
June 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkii todobaadlaha ahaa ee golaha xukuumadda oo tirsigiisu ahaa 199,  ayaa maanta oo ah 23-June-2016, ku qabsoomay hoolka shirarka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

12

Shirkan oo uu gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa lagu lafaguray shaqada xukuumaddu dalka ugu xilsaaran tahay, gaar ahaan mowduucyada taagan wakhtigan xaadirka, kuwaasoo xubnaha wasiirada ahina ka jeediyeen aragtiyadooda.

Waxa shirkan maanta si gaara loo soo qaatay xuska maalinta dhalashada Jamhuuriyadda Somaliland ee 26 June, oo ay ka soo wareegtay 56 Sannadood, maalintan oo ah maalintii gumaystihii Ingiriisku ka laalaabtay dalkan Somaliland oo ahaa dhulkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee madaxbannaani qaata 26kii June-1960kii. Sida ay xuseen qaar ka mida xubnaha golaha wasiirada ee shirka fadhiyey 26 June- waa maalintii dhalashada Jamhuuriyadda Somaliland, waa maalinta summadda u ah dawladnimadeenna gaarka ah, markhaatigana u ah in aanlasoo noqonnay gobonimo aan hore u lahayn, balse aynaan ahayn dal, dal ka go’ay.

Hadalada wasiirada ayaa biyo dhacoodu ahaa in xuska 26-June, mudan yahay xushmad iyo qaddarin, sannad guuradan 56-aadna si weyn loo muujiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gebegebadii xubnaha golaha xukuumadda ee shirka fadhiyey iyo shacbiga Somaliland meel ay joogaanba faray inay ilaashadaan maalmaha summada u ah qaranimadooda ee ay ugu horayso 26-June oo ah maalin ku dheer shacbiga iyo qaranka Somalilandba.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews