Maxkamadda Sare Ee Maraykanka Oo Hor-joogsatay Qorshe Uu Watay Madaxweyne Obama
June 24, 2016 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa hor-istaagtay Qorshe uu Madaxweyne Obama ku doonayo inuu sharci ku siiyo Malaayiin dad, oo sharci daro ku joogay Maraykanka sanado badan, kuwaasi oo Dawladdu doonayso inaan Dalka laga Mastaafurin.
Maxkamadda sare ayaa joojisay isbeddel uu Obama doonayey in lagu sameeyo Sharciga degganaanshaha Maraykanka, laakiin Qorshahaas ayaa joogsaday markii ay kala duwanaadeen fikradaha siddeedii garyaqaan ee Maxkamadda sare.