Raysal Wasaarada Ingiriiska Oo Shaciyay Inuu Xilka Ka Degi Doono Bisha Tobnaad Ee Sannadkan
June 24, 2016 - Written by Berbera Today
![fu](http://i2.wp.com/salaanmedia.com/wp-content/uploads/2016/06/fu.jpg?resize=660%2C371)
London(Berberatoday.com)-Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa shaaciyay inuu is casilayo bisha Oktoobar kadib markii dadweynaha UK ay u codeeyeen inay isaga baxayaan Midowga Yurub.
Mr Cameron ayaa go’aanka is casilaaddiisa waxa uu ka jeediyay aqalkiisa Downing Street hortiisa kadib markii lagu dhawaaqay natiijada aftidii shalay ka dhacday waddanka.