Ururada Bulshada Rayidka Ah Ee Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid
June 24, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland kuna hawlan arrimaha horumarinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka ayaa kulan la qaatey Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID, kulankaasi oo ka qabsoomey xarunta dhexe ee Xisbiga.Kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
Kulankaasi oo daba socdey mid toddobaadkan aynu ku jirno ay la yeesheen Ururada Bulshada Rayidku Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Ujeeddada kulankaasi oo ahayd sidii Ururada bulshada Rayidka ahi ay ula wadaagi lahaayeen tallooyin iyo qoraallo ku saabsan hannaanka doorashooyinka la filaayo iney qabsoomaan iyo diwaangalinta waddanka ka socota.