berberatoday.com
Iska Hor-imaad Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Markii Kale Laba Beelood Ku Dhex Maray Deegaanka Dharkayn-geenyo Iyo Gudoomiyaha Gobolka Sool Oo Ka Hadlay
June 25, 2016 - Written by Berbera Today

Lascanood(Berberatoday.com)-Lix qof ayaa ku geeriyooday tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen iska hor-imaad shalay mar kale laba beelood ku dhexmaray degaamadda Qooraansay iyo Tuurta oo ku yaala inta u dhaxaysa Dharkayn-geeye, Xidh-xidh iyo Dhumay, oo dhammaantoodba ka tirsan gobolka Sool.

sool

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkani uu dhex maray labadii beelood ee hore ugu dagaalamay degaanka Dharkayn-geeye.sidoo kalena aan la haynin khasaaraha dhabta ah eek a dhashay dagaalkaasi, dhulka uu ka dhacay oo ah dhul Baadiye ah, isla markaanna Kaymo ah awgeed. Badhasaabka gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isagoo joogay magaaladda Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay in uu jiro dagaalkaasi mar kale dhexmaray labadii beelood ee hore ugu dagaalamay Dharkayn-geeye.

Inkastoo uu badhasaabku ka gaabsaday inuu cadeeyo tiradda dhimashada iyo dhaawaca kala gaadhay labadda dhinac, isagoo ku tilmaamay in aanay wax muhiimad ah lahayn in la sheeg-sheego khasaaraha dhimashada, maadaama oo labada beelood ay yihiin dad walaalo ah.

Mustafe Shiine, oo ka hadlayay arrinta dagaalkaasi waxa uu yidhi “Wuu jiraa daaalkaasi, khasaare dhimasho iyo dhaawacba wuu jiraa labadda dhinacba. Ilaa hadda intaas ayaanu ognahay. Tiradda in la sheego waxba muhiim ma aha, waayo waa dad walaalo ah oo is-dilay, waxba faa’iido ma laha colaada ayuunbay sii kordhinaysaa. Laakiin labadda dinacba dhimasho iyo dhaawac wuu jiraa. Meesha waxa ka dhaceen ma aha halkii hore shaqaaqadu uga dhacday ee Dharkayn-geeye, ee waa meel kale oo ku dhaw meesha la yidhaahdo Xidh-xidhka. Waa labadii beelood ee hore u dagaalamay.”

Mustafe Cabdi Ciise, waxa uu tilmaamay in dagaalkan mar kale dhex maray labadan beelood in uu caqabad ku noqonayo waan-waantii iyo dedaalkii nabadeed ee ay ku hawlanaayeen odayaasha Guurtidda ah ee ku jira xalinta colaadii hore labadan beelood ugu dhex martay Dharkayn-geeye. Waxaanu yidhi “Caqabad ayay ku noqonaysaa colaadan cusubi dedaalkii iyo waan-waantii ay ku hawlayeen odayaasha guurtidda ah, waxaana loo arkaa in aan odayaashii la dhegaysanaynin, oo aan la tixgelinaynin ayaana muuqata. Markaa waxa loo baahan yahay in go’aan dawladeed la qaato, oo go’aanka la bedeello, oo gacan dawladeed wax lagaga qabto ayay arrintaasi u baahan tahay”.

Badhasaabka Sool, waxa kale oo uu ka dayriyay xaaladda degaankii ay shalay ku dagaalmeen beelahaasi, oo uu ku tilmaamay inay ka taagan tyahay saansaan colaadeed iyo isku hub urursi labadda dhinacba ah.

“Xaaladda degaanku ma fiicna, xaalad colaadeed ayaa ka taagan, labadda dhinacba way isku hub urursanayaan. Meesha lagu dagaalamay waa dhul kayn ah, magaalooyinka ayaa la kala dhexgeli karaaye, dad reer miyhi ah oo dhul kayn ah ku dagaalamaya, ciidan waxba kama tari karro”ayuu yidhi guddoomiyaha Sool. Sidoo kale Mustafe-sShiine, oo aanu waydiinay in ay jirto ilaa hadda wax talaabo ah oo ay ka maamul ahaan qaadeen, waxa uu yidhi “Annaga waxaa nala gudboon in aanu ciidamadda amarsiino si ay u kala dhexgalaan, hawlo kale oo taasi ka balaadhan ayaana jira, magaaladan Laascaanood lafteeda ayaa u baahan in culays la saaro. waayo? labadda beelood-ba way wada yaal, ilaa hadda magaaladan Laascaanood culays ayaanu saarnay, dhaqdhaqaaqa laba beelood, si aan halkan wax uga dhicin ama aanay gurmad iyo hub looga dirin, ciidankana heegan ayaanu gelinay. Waxaananu isku deyaynaa in aanu arrintaa halkan ku joojino, si aanay dhibaato kale u dhicin ee dagaalka loo joojin lahaa.”

Badhasaabka gobolka Sool ayaa ugu danbayn waxa uu baaq u diray beelaha shaqaaqadu dhex martay oo ugu baaqay inay colaad joojiyaan, waxaanu yidhi “Labadda beelood ee dagaalamay waxaan ugu baaqayaa inay dagaalka joojiyaan. Colaadii waxba faa’iido ma leh, waa kaa dhimay, oo kugu dhimay, dhibaato kale waa in aanay dhicin.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews