berberatoday.com
Musharrax Jamal Ali Hussein oo Luuqad Diblumaasiyadeed ku Falanqeeyey Isbedelka Siysaadeed ee Yurub+ Dardaaran u Madaxweyne Siilaanyo usoo Jeediyey iyo mid uu ku Ganay Musharraxiinta Xisbiya
June 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Dhulgariirkan siyaasadeed Ee UK ka dhacay lama fileynin, siyaasadda gabigeeda ayaa lama filaan ahe, maadama Madaxweyne Siilaanyo aanu mar kale tartamaynin inkastuu xaq u lahaa laakiin siduu doorashada u qabto Ee ugu xaqsooro dadka tartamaaya ayuun baa isku fuuqsan doonta”. Musharrax Jamaal Cali xuseen

Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay isbedelka Siyaasadeed ee dhalan roggay siyaasadda qaarada Yurub.  Kaddib markii aftidii la qaaday ay kala huleelen dalal reer yurub. Taasoo sababtay inuu xilka ka deggo Raysal wasaarihii dalka Ingiriiska oo lagaga adkaaday aragtidiisi ama la qaadan waayey. Haddaba Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo isbarbar dhig ku sameeyey hoggaamiyaasha aduunka horumaray iyo kan qaaradda Africa iyo weliba khaasatan Siyaasadda Somaliland oo uu duurxul dherbaaxo garsoonimo ah oo ku ganay Madaxweyne Siilaanyo oo looga baahan yahay inuu dhex u noqdo musharraxiinta asxaabta maadaama oo uu yahay Madaxweyne qaranka oo tartamay. ayaa soo dhigay Degelkiisa Facebook qoraal kooban oo Luuqad Diblumaasiyadeed ku qoran waxanu u dhigay sidan:
 
.Ninka Hogaamiyaha Ah marka xataa taladiisa la qaadan waayo waakaasi sida sharafta leh xilka iskaga tirinaaya. Siyaasadu horta miyaanay ahayn tabaruc wakhti kooban Ummadda loo shaqeeynaayo. Siyaasadu maaha mixnad lagu shaqaysto OO guriyo laga dhisto. Maanta cashar weyn buu inooga tegay David Cameron in waxa dadku doonayaan in ay shaqeeynayaan, inagana Siyaasi fashilmay OO ummaadu indhaha ka qarsato ayaa xishood la’aan ina hor taagan, laakiin doonaya inuu qarda Jeex kursiga ku fuullo, OO yidhaahdo ciyaartoyga kooxaha kale masaabiir Ugu gura kabaha.  Dhulgariirkan siyaasadeed Ee UK ka dhacay lama fileynin, siyaasadda gabigeeda ayaa lama filaan ahe, maadama Madaxweyne Siilaanyo aanu mar kale tartamaynin inkastuu xaq u lahaa laakiin siduu doorashada u qabto Ee ugu xaqsooro dadka tartamaaya ayuun baa isku fuuqsan doonta. Dadkeenu Indhaha iyo dhegahaba ha furaan oo mustaqbalkooda iyo ka caruurtoodaba ha ka taliyaan weydinkaa arkaaya waxa ka dhaacaya Ingiriiskiiye. Ilaahayoow dalka iyo dadkaba noo barakee”.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews