berberatoday.com
Shacab-weynaha INGIRIISKA Oo U Codeeyay Inay Ka Baxaan Dalalka Midowga Yurub+Daawo Sawirada
June 25, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Natiijada Aftidii shacabka Boqortooyada Ingiriisku ku kala Dooranayeeen in ay ka baxaan Ururka Midowga Yurub iyo in ay ka sii mid ahaadaan, ayaa waxay natiijadeedii noqotay inay shacabka Waddankaas doorteen inay ka baxaan Midowga Yurub.

Dadweynaha Ingiriiska, ayaa waxay 51.8% u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub, halka 48.2% ay doorteen inay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub, waxaana Aftidan ku guuleystay qolyihii u ololeynayay inay UK ka baxdo Midowga Yurub.

_90078539_4587dbf1-fc60-4d75-a7cd-4e7ac2a7b7f2

_90078541_b699a898-0920-4b10-814f-1569fc629e46_90078543_e0ff3878-8185-494c-a03b-f429a435889a

Natiijadan ayaa waxay saameyn ku yeelatay Suuqyada lacagaha lagu kala sarrifto ee caalamka, iyadoo lacagta UK ay hoos u dhacday Maanta oo keliya 10%, marka loo eego sarifka Doollarka, taasoo lagu sheegay qiimo-dhacii ugu weynaa ee ku dhaca tan iyo sannadkii 1985-kii.

_90079110_00ef4ed5-55c9-433c-8893-972983e0709f

_90079198_13c56f13-2d18-4cdb-abc2-92034fd1e720_90079200_7eb0415f-e031-4305-bdc5-cbac5d4f9fe8Hoos u dhaca sarifka lacagaha Adduunka ayaa loo aanaynayaa Natiijada ka soo baxday Aftida Shacabka Ingiriiska ee Khamiistii Shalay ka dhacday Waddankaas, iyadoo sidoo kalena uu hoos u dhac gaadhaya 3% uu ku yimid sarifka lacagta Midowga Yurub ee EURO, marka loo eego sarifka Dollarka.

101546075_Remain_MPs_reaction-large_trans++x9qSHbeosvxfwsJrZyLDIyutLnR8HK5Rupmihr5J0I4

Markii Natiijada Aftida Ingiriiska la shaaciyay, ayaa waxaa Hadlay Hoggaamiyaha Xisbiga Madax-banaanida UK, Mr.Nigel Farage oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn ugu ololeynayay in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, waxaanu sheegay in 23-kii Juun ay noqotay maalin Taariikhi u ah Britain.

_90079484_ce74df46-c564-45bc-ba00-503706d8ced0

_90079112_30e20974-8f78-4850-ab4c-bbb58c40c0a1
_90079482_79d7b629-a529-4b23-b095-38f37f3fc686_90080161_88dd6d77-9eb7-4be6-907e-eaa3ff6dfb47

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Britain, David Cameron, ayaa Isgauna ku dhawaaqay Maanta in uu is-casilayo Bisha Oktoobar ee sannadkan lagu jiro 2016-ka, kaddib markii shacabka UK ay u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub oo uu isaguna doonayey inay ka sii mid ahaadaan.

UK

“Go’aanka shacabka Britain ay ku gaadheen inay ka baxaan Britain waan ixtiraamayaa, waana go’aan ay iyagu gaadheen, balse waxaan go’aansaday inaan xilka iska casilo bisha Oktoobar ee sannadkaan,” ayuu yidhi, David Cameroon oo uu Maanta ka soo saaray Xafiiskiisa London, markii lagu dhawaaqay Natiijada.

101552175RestrictedEUSupporterNEWS-large_trans++eo_i_u9APj8RuoebjoAHt0k9u7HhRJvuo-ZLenGRumA

101575519SamDavidCameronNEWS-large_trans++eo_i_u9APj8RuoebjoAHt0k9u7HhRJvuo-ZLenGRumA

UK ayaa waxay noqonaysaa waddankii ugu horreeyay oo ka baxa Midowga Yurub.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews