berberatoday.com
Wales, Poland Iyo Portugal Oo Iska Xaadiriyay Wareega 8da Ee Koobka Qaramada Yurub
June 26, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xulka Wales ayaa noqday xulkii labaad ee xaqiijista u soo bixitaankooda wareega 8da koobka Euro 2016 ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen xulka Northern Ireland iyadoo Gareth Bale uu gacan ka geystay guushooda ka dib markii uu gool iska dhaliyay Gareth McAuley.

Cl0JEgJXEAQduqC
Waxa ay ciyaarta ku soo dhamaatay  gool iyo waxba oo ay Wales ku badisay iyagoo u soo baxay wareega 8da ee Euro 2016, waxaana ay sugayaan inay la ciyaaraan wareega sideed dhamaadka midkood xulalka Hungary iyo Belgium.
Cl0I4hwWQAAoc5I-620x413
Waa markii ugu horeysay ee ay Wales gaadhto wareega 16ka iyadoo ayba tahay markii ugu horeysay ee ay ka qeyb qaataan tartanka qaramada Yurub, markii ugu danbeysay ee ay koob weyn ka gaaraan heerkaan waxa ay aheyd Koobkii Adduunka ee 1958.

Xulka Poland ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee iska xaadiriya wareega 8da Euro 2016 ka dib markii ay rigoore 5-4 kaga badiyeen xulka Switzerland oo muddo 120 daqiiqo ah ay isla dhaafi waayeen barbaro gool iyo gool ah iyadoo Swiss-ka ay iska qasaariyeen fursado aad u badan.

1

Poland waxa ay wareega 8da ku sugeysaa xulkii soo badisa Croatia iyo Portugal caawa.
Waxay labada xul qaran u baahnaayeen in ay ku kala baxaan 15 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay waqtiga dheeriga ahaa si ayna rekoodhayaal ciyaartu u gaadhin.

2

Switzerland ayaa u muuqatay in ay gacanta sare leedahay isla markaana ay dadaal badan ugu jirtay sidii ay goolka labaad ee guusha ula iman lahayd.
120kii daqiiqo waxa ay ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah waxaana la isla aaday rigoore, 5-4 waxaa gool ku laadyada ku badisay xulka Poland oo u soo baxday wareega 8da, iyadoo Switzerland uu rigoorada ka qasaariyay saxiixa cusub ee Arsenal Granit Xhaka.

Xulka Portugal ayaa gaaray siddeed dhammaanka Euro lix jeer, waana in ka badan xulalka kale.

Cl0covDWkAEkezE-768x492
Ricardo Quaresma ayaa dhaliyey goolkii ugu horreeyey ee la dhaliyey waqtiga dheeriga ah (Extra time) tartanka Euro, tan iyo Andrey Arshavin oo sanadkii 2008 ka dhaliyey xulka Netherlands.
Xulka Croatia ayaa hal mar kaliya laga adkaaday 10-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen tartammada Yurub, 6 guul ayey gaareen, saddexna barbaro ayey galeen.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews