Xafkadii Xalay Madaxtooyada Lagu Qabtay Ee 26ka Juun Lagu Xusaayay Waxay Aheyd Mid Taariikhda Laga Been Sheegaayay Oo Cid Aan Taariikh Lahayn Taariikh Loogu Samaynaayay W/Q Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar(Xamdi)
June 26, 2016 - Written by Berbera Today
![????????????????????????????????????](http://berberatoday.net/wp-content/uploads/2016/06/26.jpg)
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xafladii habeenkii xalay lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland Hargeysa ayaa aheyd mid lagu masaxaayay taariikhda geesiyaashii usoo halgamay xornimo doonka Somaliland ee xiligii gumeysiga Ingiriiska kuwaas oo uu uohreeyay Marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa halyaygii xornimadii 1960kii dhaliyay kaas oo aan habeenkii xalay marnaba Taariikhda uu kulahaa xornimo doonkii somaliland iyo dhidibada utaagidii qaranka Somaliland aan marnaba lagu soo hadal qaadin sidoo kale waxa Xaflada lagaga hadlaayay oo kaliya qiime usamaynta dad aan haba yaraatee wax doora kulayn xornimo doonkii dalka horeyso iyo danbayso toona kuwaas oo ay magac aan jirin usamaynayeen dad uu kamid yahay ninka layidhaa Yuusuf Shaacir oo taariikhda ka been sheega oo hadiyo jeerna gabayda iyo maansooyinka dad aan lahayn oo beeshiisa ah umin guuriya.sidoo kale waxa kasoo qeyb galay oo ubadnaa dadka xaflada soo buuxdhaafiyay marka laga reebo Masuuliyiinta Xukumada iyo golayaasha dad isugu jira Rag iyo dumar iyo dhalinyaro dhamaantood kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo oo laga soo buuxiyay sacab been ahna utumaayay dadka loo samaynaayay Taariikhda aanay lahayn ee beeshaas kasoo jeeda iyo kuwo kaloo ay cago ku qaataan