berberatoday.com
Yaa Ku Macaashay Guushii Kulmiye ee 2010”Akhriso Arin Ugub Ah oo Ay Ku Wada Socdaan Siilaanyo Iyo Muuse”
June 26, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Doorashadii June 2010 ka dhacday Somaliland islamarkaana taladda majaraha Somaliland uu ku qabtay xisbul xaakimka kulmiye oo mudadii uu ahaa muncaaradka iska dhigi jiray xisbi loo simanyahay islamarkaana dhex u ah guud ahaan bulsho waynta Somaliland ayaa markii kulmiye guusha hantiyay soo ifbaxday qabyaalad iyo kala saraysiin uu jeebka kala soo baxay madaxwaynaha hadda ee Somaliland axmed siilaanyo oo inta badan lagu tilmaamo hogaamiyayaasha ay ku adagtahay ku dhaqanka cadaaladdu sida inta badan ilaahay carabka madaxwaynaha ugu adkeeyay kalmadda cadalaadda taaasoo aanu madaxwaynuhu Karin marka uu ka hadlayo kalmadda cadaaladda
Madaxwayne siilaanyo oo xukuumadiisa jirto 6 sanno iyo dheeraad ayaa durba laga dheehan karaa inay dawladiisu dhinac ka rarantahay marka loo eego xukuumadihii ka horeeyay haddana waxa taas ka sii daran in xisbigii kulmiye ee majaraha Somaliland soo hayay 6 sanno iyo badhkaasi markale u hanqal taagayo inuu ku guulaysto taladda Somaliland taas oo ay adagtahay sida uu ugu guulayso doorashooyinka soo socda hadiiba ay dhacaan
Inta badan marka la eego sawirka guud ee xisbiga kulmiye iyo dawladiisa waxa iska cad in beelo gaar ahi awoodiisa gacmaha ku hayaan taasoo mararka qaar lagu tilmaami karro in macnihii dawladnimo meesha laga saaray oo qaabka la isku xulanayaa yahay reer heber iyo reer jeclaysi
Arinta fajicisada noqotay ayaa ah in madaxwayne siilaanyo musharaxii madaxwyanaha kulmiye u affuubay beel kaliya halka uu sidoo kale gudoomiyihii maxkamadda sare Iyana isla beeshaas siiyay taasoo lagu sifayn karro in siilaanyo yahay hogaamiye kala qaybinta umadda aad ugu xariif ah walaw ay ahayd inuu da’dan uu hada ku jiro u tudho xabaashiisa.
Taas waxa ka sii daran in dhamaan ilihii dhaqaale ee dalka soo galayay la siiyay shakhsiyaad ka soo kala jeeda beesha siilaanyo iyo beesha kornayl muuse waxaana taasi kuu muujinaysaa fadeexada foosha xun ee dul hooganaya maamulka siilaanyo
Muuse biixi iyadoo waxan aynu soo sheegnay oo dhami jiraan hadana wuxuu u hanqaltaagayaa inuu ku guulayso doorashooyinka soo socda walaw wararka suuqu sheegeen inuu ku hawlan yahay qorshe uu ku doonayo ku shubasho hadana marka loo eego xisbiga waddani ee la tartamaya way adagtahay siduu ugaga shubtaa xataa ay musuqtahay beelo ahaan waa beelo isyaqaana labadda beelood
Xukuumada kulmiye mudadii ay taladda haysay waxay xaraashtay dhamaan dhismayaashii iyo laamihii dawladda halka sidoo kale ay iibisay haayado dawladeed oo shaqaynayay imikana ay la daaladhacayso sidii ay u wareejin lahayd dekedda berbera walaw uu heshiiskii u egyahay mid dhicisooba sidii heshiiskii shirkadda genel energy
Mudadii koobnayd ee ay xukuumadda kulmiye jirtay waxa abuurmay in ka badan boqolaal ganacsato oo ka soo kala jeeda beelaha siilaanyo iyo kornayl muuse kuwaasoo qandaraasyo lagu siiyay mashaariicda dawladda si loogu naasnuujiyo loogana dhigo tijaarka barri
Baddi ragaasi waxa ku kala suganyihiin dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxaase iswaydiin mudan bulshadda waxaas oo macluumadda ogi sideebay ugu codayn kartaa xisbiga kulmiye ee nabad guurku ku dhacay
La Soco Qaybaha Dambe oo aanu Idiinku Soo Gudbin doono Macluumaad ku aadan shakhsiyaadka mashaaricdaas la siiyay beelaha ay ka soo kala jeedaan, heshiis qarsoon oo dhex maray labadda beelood ee aynu kor ku soo xusnay
tiradda xad dhaafka ah iyo mansabyadda ayka hayaan dalka, akhbaar hoose oo laga soo xigtay in muuse biixi u sii diyaar garoobayo ku shubasho iyo macluumaadyo kale
Berberatoday.com
COMMENTS
|