GUDOOMIYE CIRO OO MAANTA DALKA KU SOO LAABTEY ISLA GALABTANA CISBITALKA KU BOOQDEY MUJ BOOBE YUUSUF DUCAALE + (SAWIRO)
June 27, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa (Berberatoday.com):- Gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo waayihii u danbeyey safar ugu maqanaa qaar ka mid ah dalalka qaarada Yurub ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey
Gudoomiyaha oo ka soo degay garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey masuulyiin ka tirsan xisbiga Waddani iyo xildhibaano golaha wakiilada ka mid ah
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa markii uu maanta duhurkii dalka yimid waxaa uu isla galabta uu cisbitalka guud ee magaalada Hargeysa ku booqdey mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo maalmihii u danbeeyey halkaasi u jiifay xaalad caafimaad gudoomiyaha ayaa muj Boobe Yuusuf Ducaale uga baryey in uu caafimaadka u sidaayo
Ugu danbeyntii gudoomiyaha ayaa la filayaaa in uu maalinta bari ah uu warbaahinta kula hadlo xafiiska xisbiga Waddani ku leeyahay Magaalada Hargeysa isla markaana uu ka war bixiyo safarkii uu ugu maqanaa dalalka Qaarada Yurub