Gudoomiye Cirro Iyo Maamulka Shirkada Dp World Oo La Sheegay Inay Kulan Ku Yeeshay Magaalada Dubai
June 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu weyn Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa martiqaad rasmi ah u fidisay oo waddanka Imaaraadka Carabta ku casuuntay Shirkadda Dubai Ports World oo ah shirkadda iyagu quuddaraynaysa in ay heshiis rasmi ah kula wareegto Maamulka Dekedda Berbara iyo maalgashigeeda oo ay xukuumadda Somaliland in muddo ah ka wada hadlayeen walina aan la isla gaadhin heshiiskii kama dambaysta ahaa.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dubai ee dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa tibaaxaya in Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Masuuliyiinta shirkadda DP World ay kulan ballaadhan ku yeesheen magaalada Dubai kadib markii ay si rasmi ah madaxda DP World ugu casuuntay Guddoomiyaha WADDANI