berberatoday.com
Shaqooyinkuu Maayer Soltelko ka seexday kana doorbidey inuu qayilaad wakhtiga ku dhameysto
June 27, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Dawlada hoose ee caasimada Hargeysa adeegyada bulshada ee ay mas’uulka dadka uga tahay gaar ahaan labada adeeg ee aasaasiga ah ee kala: (1) adeega nadaafada iyo gurida xashiishka; iyo (2) adeega fududaynta cidhiidhiga wadooyinka, waxa ay ku sifoobayaan labada hawlood ee ugu mudan in la qabto hadii la qaban waayana ay qasab noqonayso in dawlada dhexe ay meesha oo dhan la wareegto cid kale ay u xilsaarto. Wax lagu qanci karo maaha in caasimada Hargeysa ay waydo dad xashiishka iyo caagadaha biyaha iyo sharaabka laga cabo ee meel kasta daadsan ka hagaajiya iyo in lagu eego dadka cidhiidhiga ku haya wadooyinka ee meel walba dhiga jiingadaha, saxaaraha qaadka, looxaanta,iwm.
Miyey adeg tahay in dawlada hoose ee caasimadu ay sidan yeesho:

1. Inay isu keento (200) jaadhi-wale, ugu yaraan toban(10) iskarogo, kaaryoonayaal tiro badan, majarafado, faralay-yaal, mafiiqo.iwm. si magaalada looga ururiyo caagadaha iyo bacaha;
2. Inay Imaaraadka Carabta ka soo iibsadaan toban(10) baabuur oo uu ku rakiban yahay qalabka ciida iyo boodhka lagu nuugo ee afka qalaad lagu yidhaa (Vacuum cleaner);
3. Inay samayso ama dhisto wado lugeedka (pavement) ee suuqa dhexe iyo suuqyada kaleba;
4. Inay suuqa dhexe iyo isgoysyada oo dhan iftiimiso ama laydhadhka amaanka (security lights) ku xidho;
5. Inay dhisto wado-lugeedyada (pavement) labada dhinac ee laamiyada, gaar ahaan suuqa dhexe iyo suuqa idaacada.

Dawlada hoose ayaa laga doonaya in hawlahaas oo dhan 90 maalmood ku fuliso ama ay qirato fashilaad oo ay dhamaantood istiqaalad keenaan

 

Berberatoday.com

Saxaafadu waa toosiyaha ugu haboon in taladooda la qaatana waa muhiim

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews