Wasiirka Maaliyada Ingiriiska Oo Isku Dayaya Inuu Dajiyo Suuqyada Lacagaha Ee Dalkiisa Ka Dib Ka Bixintaankii EU-da
June 27, 2016 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Wasiirka Maaliyada ee Britain, George Osborne, ayaa isku dayay inuu dajiyo suuqyada lacagaha ka dib markii Britain ay u codaysay inay ka baxdo Midowga Yurub.

Hadalkiisii ugu horeeyay tan iyo intii ay soo baxday natiijada aftida, Mr Osborne ayaa sheegay in dhaqaalaha UK uu u baahan yahay in lagu qaabeeyo go’aanka. Wuxuu sheegay in dhaqaalaha Britain uu xoogan yahay oo diyaar loo ahaa wixii la samayn lahaa hadii laga baxo Midowga Yurub.