berberatoday.com
Fu’aad: 29 Jir Hammigiisu Geeyay Muqdisho Oo Ku Dhintay Weerarkii Al-shabaab Ee Huteelka Naasa-hablood
June 28, 2016 - Written by Berbera Today

DUBAI(Berberatoday.com)-Soomaali ka mid ahaa Qurba-joogta fadhigoodu Yahay Magaalada Dubai ee Dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka mid ahaa ugu yaraan 15 Ruux oo ku dhintay Weerar Sabtidii lagu qaaday Huteel ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Fu’aad Cumar Amiin, wuxuu ka qalin-jabiyey Jaamacadda American University ee Magaalada Sharjah waxaanu Shaqaale ka ahaa Bangi ku yaalla Dalka Imaaraadka, laakiin waxa uu ku dhintay Weerar Kooxda Al-shabaab ku qaadday Huteelka Naasa-hablood ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo loo adeegsaday Gaadhi Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey iyo Dagaalyahanno Qaraxa Gaadhiga ka dib gudaha u galay Huteelka, kuwaasi oo sidoo kale halkaa ku dilay Dad uu ka mid ahaa Wasiiru-dawlihii Deegaanka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Burci Buri Muxamed Xamsa, Dadna u qabsaday Afduub ahaan.

Fu’aad Cumar Amiin oo 29 jir ahaa, ayaa waxa inuu u socdaalay Muqdisho Barta ay ku leedahay Facebook ku baahisay Walaashii Sara Abuu Bakar Maalin ka dib dhimashadiisa, iyadoo sheegtay inuu doonayay inuu qayb ka noqdo Xalka Dalkiisa, si loo dhiso Soomaaliya wanaagsan.

Hodan Naaleeye oo ah Aasaasaha Telefiishanka Afka Ingiriisiga ku baxa ee (Integration TV), ayaa Wargeyska Gulf News ka soo xigtay in Marxuum Fu’aad oo Jaamacadda American University ee Magaalada Sharjah ka qaatay Shahaadada BS, Business Administration uu Magaalada Muqdisho u tagay Saddex Toddobaad uun ka hor Dhimashadiisa, “Si uu Shaqo uga Abuuro Dalka uu jeclaa (Soomaaliy)..” ayay ku baahisay Facebook Weriye Hodan Naaleeye.

Marxuum Fu'aad Cumar Amiin

Waxayna intaa ku dartay in Marxuum Fu’aad uu ku dhashay Dubai, kuna hadlayey Shan Luqadood, sidoo kalena uu ka qalin-jabiyey (School of Global Commerce and Finance).

Marxuumka Walaashii, ayaa iyadana laga soo xigtay inuu ahaa Addoon ku xidhan ILAAHAY, iyada oo xustay inuu Salaadda Subax ku tukan jiray Masaajidka.

 

 

Berberatoday.om

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews