berberatoday.com
Madaxtooyadda Oo La Wareegtay Telefishankii Madaxabanaana Ee Star Tv iyo Mulkiile Maxamed Koodhaadhi oo Dhaqaale Ku doorsaday Sumcadiisii Warbaahineed Akhri Warbixin Daaha Ka Fayday Sir Culus Oo Lagula Wareegay
June 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku guuleystay inay Laaluush Shilimaad ah ku qanciso Mulkiilaha Telefishanka Madaxa-banaanan jiray ee Start TV maxamed kodhaadhi, kaasoo dalka dibediisa uga yimi markii Xukuumaddu ka dalbatay inuu yimaado, isla markaana ku qancisay inuu qaato Lacag xadigeedii aanu badnayn, balse lagu sheegay $ 100,000 oo dollar Si uu u joojiyo baahinta Wararka waxgaraadka gobolka saaxil ee iyaggu kasoo horjeedda qaabka ay Xukuumaddu damacsan tahay inay u wareejiso Dekedda Berbera.
Mulkiilaha ama Ninka ugu Saamigga badan Telefishanka Star maxamed kodhaadhi ayaa markii uu gacanta ku dhigay Jeega lacagtu ku qoran tahay shaqaalihiisa si cadaan ah u faray inaanay gabi-ahaanba soo duubin wax ku saabsan dhaliisha wareejinta Dekedda Berbera, isagoo intaa ugu daray amarka shaqaalihiisa uu siiyey inuu eryi doono wariyaha soo diray war kasoo horjeeda wareejinta Dekedda Berbera.
Hase-yeeshee waxa uu Mulkiile maxamed kodhaadhi shaqaalihiisa ugu bushaareeyey inuu Lacag iyo Mushahar dheeraad ah u qoraayo Saxafiga soo duuba shaqsiyaad waji-ku macaash ah oo taageersan wareejinta Dekedda Berbera, waxana xoggaha laga helay ay sheegen inuu Mulkiilihii Saxafiyiinta u sheegay in looga baahan yahay soo ururinta Ra”iga dadweynaha oo taageersan wareejinta Dekedda.
Geesta kale, Wasiiradda Mulkiilaha Star Tv ku qanciyey inuu joojiyo baahinta wararka iyo macluumaadka kasoo horjeedda wareejinta Dekedda Berbera, ayaa waxa ku jira Wasiir ay isku beel yihiin Mulkiilaha waana Wasiirka Cadaaladda oo dhowaan isna siyaasada kusoo biiray, sidoo kale wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka madaxtooyadda ayaa iyaguna kaalin ka qaatay qorshahan lagu cabudhinayo dadka Deegaanka Saaxil oo saluugsan qaabka dhaxal wareejinta ah ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dekedda Berbera ugu gacan gelinayso shirkadda Carbeed ee Dp World.
Si kastaba ha ahaatee tallaabadan uu Mulkiilaha Star Tv qaaday ayaa ka dhigaysaa Tv-giisa mid saxaada Saxaafadda ka saarta, isagoo waayo doono boqolaal kun oo kamid ahaa bulshada macmiisha u ah ee sida tooska ah ugu xidhan kuwaasoo ku kala dhaqan gobolladda dalka iyo dibediisaba. Waxa kaloo xusid mudan inay bulshaddii ku ogeyd dhexdhexaadnimada ay imika sida Tv-ga ku hadla afka dawladda sidiisa ula dhaqmi doonto. Waxana arrrinkaa cadayn u kaddib markii maalintii shalay qaar kamid ah waxgaraadka Saaxil magalaadda Hargeysa ku qabtee shir jaraaid oo ay goobjoogna ka ahayd Teleshinkan Star oo xalay baahin waayey warkii waxgaraadka isagoo ka hayey kharash laakin uu kala qiimo batay kan madaxtooyadu. La soco Warbixino kashifi doono sida xukuumaddu ula Wareegtay TV Star iyo asbaabihii shaqaale badani uga tageen.

 

Xigasho xogreeb

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews