berberatoday.com
“Midnimada Somaliland Iyo Somaliya Waxay ku timid Is-afgarad, Waxaana Burin Karaysa Afti kasta Oo Midkood Ku Diido Midnimadaas” Ismaacil Hure Buubaa
June 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa ku doodaya in afti kasta oo Somaliland ama Somaliya ku diido midnimadii lixdankii ay burinayso midnimadaas fashilantay.

1

Ismaaciil, oo farriimo qoraal ah soo geliyay bartiisa twitterka oo ay dad badani ku xidhanyihiin wuxuu sheegay in midnimadaas lixdankii ay ku timid is afgarad, haddana lagu laali karo afti ka timaada dadyowga Somaliland iyo Somaliya midkood, “Midnimada Somaliland iyo Somaliya ee 1960-kii waxay ku timid is afgarad uun. Sidaas awgeed afti kasta oo dadka labada dhinac midkood ku diido midnimadaas; ayaa burin karaysa.” ayuu yidhi, isagoo intaas raaciyay in qaddiyadda Somaliland oo la xaliyaa ay muhiim u tahay Somaliland iyo Somaliya, labadaba “In su’aasha lagu xaliyo qaranimada Somaliland waxa ay muhiimad isku mid ah u thay Somaliland iyo Somaliya. Labadaba faa’iido badan baa ugu jirta.”

Dadka reer Somaliland ayaa afti laga qaaday sannadkii 2001 waxa ay 97% ku ogolaadeen in dalkooda Somaliland noqdo dal madaxbanaan oo xorriyadiisii uu lixdankii lumiyay kala soo noqday dalkii Somaliya la isku odhan jiray.

Aftidaas, ayaa waxa goob joog ka ahaa ururo badan oo caalami ah, waxaana qabtay oo hirgeliyay Alle haw naxariiste Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 

 

 

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews