berberatoday.com
Tabobarihii Xulka England Oo Is Casilay Kadib Guuldaradii Iceland Kaga Reebtay Koobka Qaramada Yurub
June 28, 2016 - Written by Berbera Today

Roy Hodgson

Tabbobarihii Xulka England, Roy Hodgson ayaa iska casilay shaqada kadib markii xulkiisa guuldaro 2-1 ah ay kala kulmeen qaranka Itaalka yar ee Iceland – taas oo sababtay inay kaga hadhaan tartanka qaramada qaarada Yurub ee Euro 2016 wareega 16 dhamaadka.

Macalinkan 68 jirka ah, ayaa xilka tabbobarenimo ee England hayay mudo afar sanadood ah kadib markii uu shaqada ka bedelay ninkii reer Talyaani ee Fabio Capello laakiin guuleystay saddex ciyaarood oo kaliya 11 kulan oo tartan weyn oo uu xulka hogaaminayay.

“Aad baan uga xumahay, waxay iigu dhamaatay sidaas, laakiin arimahan waa kuwo dhaca,” ayuu yidhi.

“Waxaan rajaynayaa inay idiin suurto galli doonto marar kale inaad aragtaan xulka England oo Final ka gaadhay tartan heer caalami ah si dhakhso ah.”

“Waxyaabahani way dhacaan, waxaanse rajaynayaa in aan arko xulka England oo si dhakhso ah u gaadha ciyaar final ah.” sidaas ayuu hadalkiisa ku bilaabay, waxaanu intaas raaciyey oo uu yidhi: “Waa wakhtigii uu qof kale la wareegi lahaa ciyaartoyga da’da yar ee maskaxda furan. Ciyaartoygu ismay dhiibin caawa inay u halgamaan waddankooda.”

Hodgson oo ay hareero fadhiyeen Neville iyo Lewington oo ku-xigeennadiisa ah ayaa waxa uu maca-salaameeyey ciyaartoyga da’ yarta u badan ee xulka dalka Ingiriiska.

“Markii aan halkan imid, waxaan u sheegay ciyaartoyga in aanaan guul la’aan dib u noqon doonin, laakiin may dhicin.

“Waxa aan u mahad naqayaa taageereyaasha, shaqaalaha xidhiidhka FA iyo taageereyaasha.

“Sharaf ayey ii ahayd afar sannadood oo aan kooxda soo maamulay, waxaanan jecelahay inaan warbaahinta uga mahad celiyo sida ay taageerada noo siiyeen. Hase yeeshee, waxa aan aad uga xumahay inay tahay wakhtigaygii dhamaadka.” sidaas ayuu yidhi Hodgson oo akhriyey war-saxafadeed u muuqday in la sii diyaariyey.

Hodgson, oo ku guuleystay 33 kamid ah 56 dii ciyaarood ee uu xulku ciyaaray intii uu haystay, ayaa qandaraasku ka dhamaanayay kagana ekaa dhamaadka Tartankan uu ka hadhay, laakiin wadahadalo loogu cusboonaysiinayo heshiiska ayaa socday oo la filayay inay dhawaan dhamaadaan.

Gudoomiyaha xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA ga – Greg Dyke ayaa hore u sheegay inuu tabbobarenimada sii ahaan doono haddii xulka Ingiriisku shaqo fiican ka qabto tartanka Euro 2016 ee France sanadkan marti galinaysay, balse lama garanayo in Quarter Finalka ay gaadheen ay noqon lahayd mid qancisa xidhiidhka.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews