berberatoday.com
Dhaqaale Ma Loo Hayaa Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Ee Gobollada SOOL Iyo SANAAG Ee Somaliland ?
June 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE, oo Shalay kulan la yeeshay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa wax iska waydiiyey Dhaqaalaha ku baxaya Diwaangelinta bisha Ramadaan ka dib ka bilaabmaysa Gobollada Sool iyo Sanaag ee bariga Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada kulanka Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qaranka ka dib, ayaa lagu sheegay in Guddoomiyeyaasha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo UCID Faysal Cali Waraabe, ay in badan ku dhex wareegtay doodda ah halka laga heli karo Dhaqaalaha ku baxaya Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland ee Gobollada hadhsan, laakiin markii dambe la isla gartay in lagala xaajoodu Qaadhaan-bixiyeyaasha Adduunka, gaar ahaan Jarmalka iyo Maraykanka.

Hadalka Masuuliyiinta ku wareegayey, sida loo maaraynayo dhaqaalaha ay u baahan tahay hab-socodka diiwaangelinta codbixiyeyaasha Gobollada hadhsan (Sool iyo Sanaag)..” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax). Waxaanu intaa ku daray, “Qodobka dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha Sool iyo Sanaag ayaa la isla qaatay, in meelaha laga baadhayo ay ka mid noqoto codsi loo diro, kulamana  lagala yeesho dhinacyada Maraykanka iyo Midawga Yurub gaar ahaan Jarmalka oo ah muruq dhaqaale ah.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews