berberatoday.com
“Madaxweyne, Xidh Albaabka Soomaaliya Haddii Kale Salaadiin-baad Sheegaysaa Ee Wasiirradaa Kuu Shaqeeya Ayay Qaar Xamar Tagi Doonaan…” Ugaas Cabdirisaaq Koosaar
June 29, 2016 - Written by Berbera Today

“Madaxweyne, Ummaddaadii Waa Deken-deken Ee Fadhiga Ka Kac, Waayo? Labadii Dabaqadood Ee Isku Hoos Noolaa Mid baa…” Ugaas Cabdirisaaq Koosaar

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ugaas Cabdirisaaq Koosaar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa dareen Waddaniyadeed kaga hadlay Xaaladda Nololeed ee ay ku sugan yihiin Dadka Danyarta ah ee Reer Somaliland, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu fadhiga ka kaco oo uu wax ka qabto Sicir bararka naafeeyay Shacabka.

Warka labaad (2)Ugaaska oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya oo Saamayn weyn ku yeelatay Somaliland, gaar ahaan Madax-dhaqameedka Somaliland oo Dawladda Federaalka Soomaaliya doonayso inay ka qayb-qaataan Doorashooyinka la qorsheeyay inay Dalkaa ka dhacaan Dabayaaqada Sannadkan 2016-ka.

Ugaas Cabdirisaaq Koosaar oo ugu horeyn ka hadlaya Madax-dhaqameedka doonaya inay tagaan Soomaaliya iyo waxa uu yahay Sharciyadda ay adeegsanayaan Dadka doonaya inay Xamar tagaan, ayaa yidhi, “Maalmahanba waxa la lahaa waxa Madax-dhaqameedka Somaliland laga soo xulayaa Salaadiin ka qayb-gala Shirarka ka socda Soomaaliya. Dawladihii ka horeeyay Dawladda Talada Somaliland haysa marka la yidhaahdo Hebel baa Muqdisho ka degay Qayladiisa ayaa la sii maqli jiray, laakiin imika waxaad Mooddaa in Jaanis loo helay Muqdisho hadday Salaadiin tahay, hadday Siyaasiyiin tahayba, waxaan leeyahay Madaxweyne Albaabkii aad furteybaa laga gelayaa, Qarankana waad u dhaaratay oo Masuuliyadda ugu weyni adiga ayay kaa saaran tahay ee Madaxweyne Albaabka Soomaaliya xidh, haddii kale Salaadiin baad sheegaysaa ee Wasiirradaa kuu shaqeeya ayay qaar yaaci doonaan oo ay Xamar tagi doonaan.”

Ugaasku waxa kale oo uu ka hadlay Xaaladda Nololeed ee  Danyarta Somaliland, “Madaxweyne, Waad arkaysaa oo Dalkii Sicir barar baa ku baahay, labadii Dabaqadood ee isku hoos noolaa mid baa meesha ka baxay. Dadkii Danyartaa ahaa waa digada oo Bakhtigaa u xalaal ah. Dadkii Sicir barbar baa baa’biiyey, Boqolkii Doollar wuxuu marayaa 750 kun ama 760 kun oo Shilin. Ummaddaadii waa Deken-deken ee fadhiga ka kac Madaxweyne.” Ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews