berberatoday.com
Maxaad Ka Taqaanaa 10ka Dal Ee Aan Lahayd Ciidammo Difaaca Iyo Sababta Ka Dambaysa?
June 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dalalka badankoodu waxa ay leeyihiin ciidammo millateri ah oo difaaca. Tusaale, ahaan dalka ugu cidiammada badan oo ah Shiinaha waxa uu leeyahay ciidan tiradiisa lagu sheegay 1,600,000 (hal milyan iyo lix boqol oo kun) millateri ah, halka dalalka adduunka ka jira qaar ka mid ah aanay lahayn  millateri. Tusaale, ahaan waxa aynu soo qaadan doonaa 10 dal oo aan lahayn wax ciidan millateri ah. Mid kasta waxa ciidanka u diiday ujeeddooyin gaar ah, qaar waxa ka reeba taariikhda dalkaas lahaa, qaarna goobta ay ku yaalaan.

Dadka adduunku waxa ay aaminsan yihiin in millaterigu yahay awood daruuri ah, waxa jira dalal aan arag amma aan baahi u qabin in ay yeeshaan wax ciidan ah, balse haddana waxa ay leeyihiin si ay isku difaacaan haddii dalkaas la soo weeraro amma dagaal ku soo fool lahaado.

Dalka Japan kuma jiro dalalkan, sababtoo ah dalkan dastuurkiisu qodobka 9aad wuxuu dhigayaa in aannnu millatari yeelan, balse wuxuu leeyahay ciidammo difaaca (Self-defense Forces) oo dalkooda ku sugan, xataa waxa jira ciidammo Japan ah oo dalka dibadiisa loo diro si ay nabad sugida Qarammada Midoobay qayb uga ahaadaan.

Haddaba, tobanka dal ee aan lahayn ciidammo millateri ah waxa ay yihiin;
1.      Andorra
1
Centre-d´Andorra-la-Vella

Dalka Andorra ma laha ciidammo joogto ah oo millateri, sidaa darteed, waxa uu heshiis kula jiraa dalalka ku bahoobay Midawga Yurub, sida Faransiiska oo uu ilaaladooda hoos galo amma uu marti uga yahay in ay ilaaliyaan. Waxa ka jira ciidammo yar oo mutadawacnimo ah oo xafladaha la keeno. Sidoo kale, waxa jira millateri u eeke ciidan ah oo la yidhaa GIPA oo loo tababaray in ay ka hortagaan falalka argagixiso iyo ilaalinta maxaabiista, iyagaa laf ahaantoodu ah booliska dalkan.

Dalka Andorra waa dal xidhanne ah, waxaannu ku yaala Koonfurta galbeed ee Yurub amma bariga buuraha Pyrenees oo ku yaala xadka u dhexeeya dalalka Spain iyo Faransiiska.  Dalkan waxa axdi lagu aasaasay A.D 988, balse waxa uu noqday boqortooyo A.D 1278, waxaana soo hoggaamiyey laba boqor.

Dalkan yar waa dalka lixaad ee ugu yar Qaaradda Yurub, dhul ahaan waxa uu cabbirkiisu yahay 468 km2 (181 sq mi), dadka ku noolna waxa lagu qiyaasa 85,000 qof. Caasimadda dalkan waxa la yidhaa Andorra la Vella, waana caasimadda ugu dheer Yurub, waxaanay dhulka u jirtaa 1,023 meter (3,356 fiit above sea level). Waxa lagaga hadlaa amma luqadda asalka ah waxa la yidhaa Catalan, inkastoo dadka ku dhaqan Spanish, Portuguese iyo Faransiiska ay laf ahaantooda ku hadlaan.

2.      Grenada
2
Fort-George-Grenada

Dalkan Grenada muu yeelan ciidammo millateri ah laga soo bilaabo sannadkii 1983-kii wixii ka dambeeyey oo Maraykanku qabsaday dalkan.  Hay’ad la yidhaa Royal Grenade Police Force Agency ayaa maamusha ciidammo millateri u eekayaal ah oo ah cutub kaliya oo loogu talagalay in ammaanka gudaha ay ilaaliyaan. Dalka ammaankiisa ayey ka masuul yihiin, mana laha dalkan cid ilaalisa iyo millateri toona.

Waddanka Grenada asal ahaan waa jasiirad ka sii kooban lix jasiiradood oo yaryar oo ku yaal cidhifka Koonfureed ee khadka la yidhaa Grenadines oo dhaca Koonfurta bari ee Badweynta Karabiyaanka (Caribbean Sea). Dadka ku dhaqan dalkan waxa ay dhan yihiin 105,897, sida Bangiga Adduunku sheegay sannadkii 2013.

3. Liechtenstein
3
liechtenstein

Waxa dalkan laga tirtiray amma la baabiiyey ciidammadiisii sannadkii 1868-kii, sababtoo ah waxa aad qaali ugu noqday mushaharka ciidammada iyo qalabkooda. Waxa millateriga dalkan laga ogolyahay oo kaliya marka dagaal jiro, balse xaaladaasna waligeed kumay dhicin.  Sidaa darteed, waxa uu dalkan leeyahay sharci lagu dhaqo hubka khaaska ah iyo waliba ciidan u gaar ah oo ilaaliya ammaanka gudaha oo lagu hubeeyo hub aad u fudud oo gudaha uun hawlaha ka jira lagaga shaqayn karo

Dalkan yar ee la yidhaah Liechtenstein waa dal ku hadla luqadda Jarmalka. Waa 25km dherarkiisu oo asal ahaan u dhaxeeya wadammada Austria iyo Switzerland. Waxa aad loo yaqaanay waqtiyadii da’aha dhexe amma qarniyadii dhexe. Caasimadda looga taliya waxa la yidhaa Vaduz, waana goob dhaqan iyo ganacsi. Waxa ku yaal hoyga la yidhaa Kunstmesum oo ah masxaf ay asaar qaddiimi iyo kuwo casri ahba ku rurusan yihiin. Waa dhul xidhan oo aan lahayn bad, balse barri uun ah

4. Solomon Islands
4
samoa

Jasiirada Solomon waxa kaliya ay leedahay waa ciidan aad u yar oo millatari u eekayaal ah oo kala dhex kala qoomiyadaha ku nool khifaadka soo kala dhex gala, taasoo marar badan Australia, New Zealand iyo dalal kale oo badweynta Basific (Pacific) ku nool soo kala dhex galeen si ay xasilooni ugu soo celiyaan xaalada halkaas ka kacday. Wixii intaa ka dambeeyey wax millateri ah looma samayn, balse waxa ay leeyihiin ciidammo boolis ah  iyo kuwo badda ilaaliya. Cutubka badda ilaaliyaa waxa ay ku hubaysan yihiin qoryaha aad u yar yar, waxaanay leeyihiin laba doonyood oo kaliya oo la kala yidhaa the Auki iyo The Lata. Ciidammadooda booliska ah ee kuwan gudaha ka caawiyana waxa la yidhaa Ramsi, balse ma laha wax millateri ah oo difaac ay u haystaan haddii cid kale dibada kas oo weerarto.
5. Nauru
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
Top-10-Countries-without-Armed-Forces-in-the-World-2016-Dominica

Dalka Australia, ayaa masuul ka ah difaaca Nauru, kadib markii lagu heshiiyey in difaaca dhinaca dibada ay Australia ka qaabisho jasiiradan. Sidaa darteed, wax millateri ah ma laha, waxaana jira ciidammo boolis ah oo gudaha ammaanka ka suga, kuwaasoo aan hub badan haysan, balse dambiyada yar yar la tacaala.
6. Vatican City
5
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Magaalada Fatikaanka oo ah dal dal ku hoos jira waxa ay leeyihiin oo kaliya boolis. Ilaalada the Swiss Guard la yidhaa waxa ay masuul ka yihii nin goobaha cibaadada ay ilaaliyaan, balse masuul kama ah in ay Vatican City State ilaaliyaan. Wax ciidan ah oo difaaca ma laha, balse taliyaaniga ayaa ilaaliya, sababtoo ah haddii ciidammo loo ogolaado waxa laga baqaya in Talyaaniga dhibaaato ay u keenaan. Ciidammo ay lahaan jireen oo la odhan jiray The Palatine Guard iyo Noble Guad waxa la baabiiyey sannadkii 1970-kii.
7. Tuvalu

Ilaa markii la aasaasay Tuvalu wax millateri ah ma ay lahayn. Sidaa darteed waxa jira boolis yar iyo unug badda ah oo ammaanka gudaha ilaaliya. Inta badan unuga badda waxa lagu qalabeeyaan hub aad u fudud si ay u ilaaliyaan inta ay ka maamulaan badda Baasifiga, waxaana la yidhaa ciidammadoodan Te Mataili oo waxay leeyihiin doon yar oo ay ku gaaf wareegaan inta ay haystaan.
8. Samoa

Dalkan wax millateri ah looma samayn, sidaa darteed waxa uu leeyahay boolis yar oo ay ka mid yihiin ciidan tiro badda kormeera. Unugga kormeerka baddu waxay haystaan hub aad u fudud iyo waliba hal doon oo ay u yaqanaan The Nafanua. Heshiis 1962 la galay waxa uu dhigayaa in New Zealand masuul ka noqoto ilaalada millateri iyo difaaca dalkan.
9. Palau
9
Explore-Paradise-Palau-AG-Outdoor-4

Markii dalkan dhidibada loo taagay waxa kaliya ee la oggolaaday waa ciidan boolis ah oo ay ku jiraan 30 nin oo unug badaha ilaaliya ah (Martime Surveillance Unit) oo laf ahaantoodu ammaanka gudaha uun qayb ka ah. Waxa ciidammada ilaalada ammaanka dalkan ku qalabaysan yihiin hub fudud iyio doon kaliya oo ay Badda Basifiga ku gaaf wareegaan inta ka khusaysa. Madaxweyne H. I. Remeliik waxa uu caawimada difaaca ka helaa dalka Maraykanka sida isla heshiiskii Compact of Free Association.
10. Marshall Islands
5
Marshall-Islands

Ilaa waqtigii dalkan la aasaasay amma jasiiraddan ciidanka kaliya ee la ogol yahay waxay ahaayeen booliska, kuwaasoo ay ku jiraan unug badda ilaaliya oo loogu talogalay inay ammaanka gudaha dalkaas ka qaybqataan. Unugga baadhista badaha waxa lagu qalabeeyaa hub aad u fudud. Waxay leeyihiin doon keliya oo ay ku gaaf wareegaan badda Baasifiga (Pacific) oo la yidhaa The Lomor. Heshiis lagu magacaabo heshiiska is baahaysiga xorta (Compact of free Association) waxa ku xusan in difaacada millateri ee waddankan uu masuul ka yahay Maraykanku.

Sidaa darteed, waxa uu hoos galaa marka ay noqoto difaac dibadeed dalka Maraykanka oo siyaasaddiisa ku darsaday inuu dalkan ilaaliyo, una noqdo maxmiyad dusha uun ka ilalaalisa, laakiin siyaasad iyo dhaqaale ahaan jasiiraddani way u madaxbannaan tahay hawlaheeda.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews