berberatoday.com
Baaq nabadeed: Beelaha Walaalaha ah ee Dirirtu ku Dhex Martay Deegaanka Dharkeenyo oo ka Tirsan Gobolka Sool. Halkaas oo Dagaal Soo Noqnoqday uu sababay Khasaare Badan oo Dhimasho iyo Dhaawacbe leh.
June 30, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Siyaasi Maxamed Gacayte oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Walaalaha ah ee Dirirtu ku Dhex Martay Deegaanka Dharkeenyo oo ka Tirsan Gobolka Sool. Halkaas oo Dagaal Soo Noqnoqday uu sababay Khasaare Badan oo Dhimasho iyo Dhaawacbe leh.
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?
Ma og tahay habaarka dhisaalan?
Halasaha dagaalka sokeeye,
Dhallintiyo halyeeyada le’eday,
Gacalkiyo hilbaha is-xasuuqay.

==IHN.Gaariye. Maansadii Hagar-laawe==

Waxaynu ku jirnaa bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waxayna kaga jirnaa Tobankii maalmood ee ugu dambeeyey ee naarta la iska xoreynayey, marka hore Ilaahay danbigeena ha dhaafo. Waxaana baaq nabadeed, waano iyo talo u dirayaa Labada Beelood ee wada dega, ee walaalaha ah ee Dharkeen-geenyo, waxaana leeyahay dhiiga daadanaya joojiya, dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, Waxa aynu ku jirnaa Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan waxaana dhab ah in dhiiga daadanaya dambi mooye aanu khayr lahayn. Waxaan soo jeedinayaa in Dagaalka iyo Colaada aad soo afjartaan. Bal aan yar halacsado bayd ka mid ah Maansadii Hagar-laawe ee IHN. Abwaan Gaariye ayaa waxa ku jiray.

Kugu-dhimayo-kaa-dhimay waa huq;
Rati heeryadiisa cunaaya
Hungo waa sidaan ahay maanta;
Dhanna hee dheh iima fayooba.
Anigaa colaadda ku hoobtay
Wiil iyo walaalba ka hoogay;
Anigaa hugaygu i diiday.

Dhinaca kale Waxaan mar labaad soo jeedinayaa inaad aqbashaan Ergada isugu jirta Guurtida, Salaadiinta iyo Wax-garadka isa soo xilqaamay ee ergo ahaan idinku yimid, Waxa la yidhi “Ergo Diid Waa Alle Diid”. Waxaan ilaahay ka barayaa inaad dagaalka joojisaan labadiina dhinacaba oo nabada qaadataan una hogaansantaan wanwaanta iyo wanaaga lagu doonayo ina lagu soo afjaro colaada, wax walba waa inaad wanaaga ka raacdaan, intii dhimatayna waxaan ALLE uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo, inta dhaawacana inuu caafimaad siiyo. Mar labaad aan dib u eegno Isla Maansadii Hagar-laawe oo runtii ah Maanso ka hadlaysa dhibaatada colaada iyo bal sawirka uu ka bixiyay abwaan Gaariye IHN. Wuxuu yidhi:-

Iminkana haddaan la heshiinin
Hibashada haddaan la dawaynin
Hebel-yaa-lahaa la illaawin,
Himilooy wallee gabbalkaa dhac;
Talo-faro-ka-haaddaay mooyi;
Calanyahaw waxaad tahay loo-hadh.

Alaa Mahad Leh
Mohamed Aadan Dubad
Hargeisa/ Somaliland
Gacayte09@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews