berberatoday.com
Hiigsigaaga iyo himiladaada hir gali
June 30, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

MaqaalHiboA Bismilaahi wa salaatu wa salaamu calaa manla Nabiya bacda

Maqaalkaygan waxaan idinkula
wadaagi lahaa hirgalinta qofku uu hir galin karo hiigsigiisa
nololeed iyo himilada uu ka leeyahay nolosha .
Aadamahu sidooda baa waxa uu ku dhex noolyahay mawjado
riyooyina, riyooyinkaas uun bay qaarna ka rumeeyan qaarna
ka so qaadan khiyaali aan dhici karayn,KOREEYANA qofna
uuma uusan abuurin bilaa faa’ido qofkastoo caajisa hubana inuusan faaido u lahayn nolosha biliaadanimo waxna uusan ku soo kordhin karayn aad iyo aad bu uqaldanyahay.
Ogsonow qofyahaw wax la idhaa ma dhici karto,ma karayo iiyo ma awoodo ba in aanay jirin ee kaliya inay tahay wax aad adu naftaada ka dhaadhicisay amin inaad riyoon kartid riyadaadasina aad rumeeyan kartid walibana aad midhaheeda guran kartid isku day ina aad wax umada ka qarsoon aad so bandhigi kartid dadkana wax kuso kordhin kartid waana hubaalo waad kuso kordhinkartaa.
muhiimada ugu wayni waxa weeyi inaad tahay qof wax qabsan kara awoodi kara inuu cabiro ama uu soo bandhigi karo waxa ka dhex guuxaya maskaxdiidsa.
Waa hubaal wax waad qaban karta se isma aminsanid inaad qaban karto waa hubaalo rayigaaga umada waad rabtaa in aad ku darsatid se ma awoodidi inaad fikirkaaga ama rayigaaga aad ka dhiban kartid so jeedina aad yeelan kartid si kastay ahaataba waa waajib naftaada kaa saaran inaad cabsiyahaaga aad ka gudbi karaysid isna aqoonsatid wax wayn kuma tarayso inay dadku ku sacabo tuman laakin aduu horta isku sacabo tum isku aqoonso qof jira oo han iyo himilo leh inaad tahay qof ilaahay mooye aan aadame wax uga baahanayn ,ka gudub waxyaabah yar yar ee kugu lidka ah ha ahaato inaad wakhtigaaga dahabka ah ku lumisid waxaanay faaido kuugu jirin ama hadalo shakhsiyadaada dhaawici kara hubaal marka waad ku guulaysanaysa yoolkaad nolosha ka leedahay .
Tus dadka kugu xeeran inaad tusaale fiican aad u noqon kartid dadka iyo dalkaba haday noqoto diiniyan iyo dhaqaniyanba ha noqon qof waxa uu yahay ka faana ee noqo qof wuxuu yahay ku faana kuna faraxsan jinsiyadiisa diintiisa iyo dhaqankiisa.
Ku faraxsanaw oo aqoonso inaad tahay qof muslima madaw ama cadaan waliba somaliya midabkaad doonto ahaw ilaahayna ugu mahadnaq waayo ILAAHAY quraan kisa waxa uu ku sheegay inu isagu (sidu doono idiin suureeyay idinkoo ku jira RIXIMKA hooyadiin )
Adiga haa adiga kaagan akhriyaya aday kugu xidhantay inaad noqotid qofka noloshiisa wax ka badali kara wax cusubna so saari kara halku joogona hore uga socon kara
ABUURIHIISA,dadkiisa iyo inta ku xeeranba farxad galin kara aduunbay kugu xidhantay inaad( Kacdo )wax ma qabsade wax ma tare noqotid ,hadii aad mar laba iyo sadexba ku guulaysan waydi haku qancin isku day oo hadana isku day waayo guusha aad guulaysan waydaa waxay ku bartaa guul darada guuldaraduna ma aha inaad wax kastaba dhamaadeen oo aad halkaa faraha kaga qaadid ee waa fursad
aad kaga fiicantay inaad intaaso kuno jeer aad ku dhantid kan markaliya guulaystay guul daradu wa dariiqaad guusha u mari lahayd ,guul daradu waxa uu ku tusaa dariiqa aad guusha u mari lahayd ku celcelinta badaniyo inaad ku mayal adaygtaana waxay kugu garab gashaa inaad ka midho dhaliso waxaad doonayso iyo inaad noqotid nolosha iyo waayaha eed ba mid samir u yeeshay daba u
Hankaaga ha yarayn ha noqon qof ka fikira waxayabaha yar yare e dunida yeelo hiigsi ilaa aakhiro aad ILAAHAY ka rajayso jano ,ILAAHAYNA waxa uu idhi adoonkaygu malaha uu iga aaminsanyahay uun ban ana u rumeeya ,maxaa ku diiday jano inaad ilaahay waydiisa ti kaba kaalay jano kaliya maahe inaad ilaahay waydiisatid inu NABI MUXAMED NNKH rafiiqiisa janada ka dhigo yaa ka xiga yaa ka hor taagan hankaaga markasta wayne
Hadafkaaga iyo yoolkaaga koobadna ha ahaado mid aad ILAAHAY aad male fiican ka haysatid oon aduunyo kaliya ku saabsanayn.
adunyaduna way dhamaata safarna waad ku tahay KOREEYANA agtiisa waxay ka tahay wax aad u liita xili aad ka bix doontidna mooyi oo qofna ma oga ee haysku hilmaamin ,Taasoy sida tahay ayaa hadana laguleeyhay ha ilaabin nasiibka aadd aduunka ku leedahay taasiyo micnaheeduna tahay labadaba u shaqayso midna hays dhigan .
Ilaahay ma eegayo suuradaada iyo sidaad u eegtahay toona xagiisana wax micno ah kama samaynayso inaad ama cadaata ama aad madoobata ama carab noqo ama cajami kaliyana waxa ku caawinaya kuna badbaadinkara xidhiidhka aad ilaahay la leedahay ku xidhnaanshiyaahaaga iyo iimankaagu sidu u xooganyah muhiimada waa inaad ficil ILAAHAY iyo RASUULKIISABA raali galinaya aad samaysaa markasta uu ilaahay raali ka noqdaana dadkiisuna raaali bay iyana ka noqonayaan naxariis yeelo dadkaaga u gargaar ka jilicdasan ka da da ah ka yar dumar iyo ragba cid xum iyo cid wanaagsanba noloshu way kula kulminaysa baro la dhaqanka dulqaadka iyo inaad dhabarka aad u dhigatid wax kasta oo dadka kaaga iman kara dadkana waxa ugu khayr badan qofka cadhoode cadhadiisa ka so noqda ama ka qaldama ee qaladkiisa qirta waxaad manta tahay uunba barina noqonaysaa.
Yeelo han wadanayadeed waxan ahay qof ilma nabi Aadama Muslim ah Afrikan a SOMALI ah waliba SOMALILANDER ka si ah ciidaada aad ku so caano maashay ka awoow ka awoow kuso dhaldhaleen ha ka faanin afkaagana ku faan ku faan dal da yar oo ilaahay nimcooyin badan ku galadaystay inaad ka so jeedid .
NABI MUXAMED NNKH marki ay tolki ka saarayeen MAKA intu dib uso daymooday ayu yidh (MAKAAY kaaman baxeen waligay hadaan tolkay iga ka saari lahayn)
Adigu ma dooran wadankaaga ilaahayba ka dooray waalidkaagana sidoo kale marka ma waxay tahay inaad ka tagto halku dhididkagu iyo dadaalka inaad wax ka badasho noqon lahayd aad tagtid wadan aan adiga iyo xawayaaanka la idinkala saarayn ,ha is yasin caafimaad waxbarasho nolo intuba way yaalan dhulka aad ka cararaysid aad ka faanaysid sku day inaad hormarka aad naftaad la rabtid aad wadankaagana ku dartid wuxuu dalkaagu yahay uun baad tahay wanaagsanow ama xumaw bulshada kale waxay ku arkayaan siday tahay ciidaad ka so jeeda
adiga ubaxii wadanka ah adiga wax badali kara ILAAHAY tamar bu ina siiyay tamartaaso ah inaynu ka faaidayno oo aynu gubno nasiib darana way inagu dhex dhimata inago waxba ku qabsan
Aamin jinsigaaga aamin wadankaaga adiguna is aamin waxkastana wad samaynkarta xumaan kastana wanaag bad u badly karta bulsho xumaatayna dawadeeda noqo ka fagaw reer hebel hadan nahay ku faan Somalinimo qarankaaga qarnigaaga iyo qoomiyadaadaba hormoodkooda ahaw
Aqoonta ugu wayn ee aad ku dadaashid inaad yeelata ha ahaato aqoontaad ILAAHAY u leedahay waato aqoonkasta ma aha mid dhamaata ta ILAAHAYNA waxay koobsatay adoomaha kale I rumayso aqoonta ugu badan waxay ka timid ama laga so xardhay aqoonta uu ilaahay quraankiisa uu inoogu sheegay
MUSLIMKU waligood ma hawl gaban mana hanyara mana hawl yara ficil la kalay xarakaatna same ogsoonow ficilkastood samaysaana waxaad kuso gabagabayso uun bu yahay
Dhibkasta oo himiladaada ka so marta iyo dhibaatooyinka nolosha ka so mara inay ka hor istaagan wax kasto wanaagsan ood is leedahay fuli hagarli uga hawl gal rabitaankaaga si aad u rumaysid wax kasto kugu adkaadana EEBE waa ka ku fudaydiya marka danbe ogowna inu ilaahay quraankiisa ku idh (adayg kastaba fudayd baa ka danbeeyan)
●Ku bilaw BISMILAAH
●Ku neefso LAA ILAAH ILA LAAH
●Naftaadana ku canaano ISTAQFIRILAAH
●Kuna xanuunso ILAAHAYOW ADAA MAHADAA LEH
●Kuna yaab SUBXAANA LAAH
●Kufarax SALIGA NABIGEENA SUUBAN
●Kuna murugoo INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN
●Waxaad aragtidna MANSHAA LAAH LAA WALAA XAWLA WALAA QUWATA ILA BILAAH dhe
أسأل الله ان يرضى عني وعنكم فليس بعد رضي الله إلا الجنة
QALINKII:- ENG HIBO AHMED ISMACIIL NUH

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews