berberatoday.com
Xisbiga WADDANI Oo Sheegay In Kulankii Guddoomiyahoodu Kaga Qayb-galay Madaxtooyada Lagu Qorsheynayey Muddo Kordhin Mar Kale Loo Sameeyo Xukuumadda
July 1, 2016 - Written by Berbera Today

“Maanta waxa soo baxay Muddo kordhin, markaa Lama Qaadan karo, Guddoomiyuhu ma isagaa keligii Xisbiga iska leh…” Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad Ee WADDANI

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku kala aragti duwan in Xilligan laga wada hadlo sidii Xal loogu heli lahaa Saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo doraad ka qayb-galay kulan uu Madaxweynuhu la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka isla-markaana lagaga wada hadlay sidii Xisbiyadu Xal ugu raadin lahaayeen muranka ka taagan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada oo caqabad ku noqon kara Doorashooyinka Sannadka dambe loo qorsheeyay inay Dalka ka dhacaan, ayaa markii uu dhammaaday waxa uu Guddoomiye Cirro uu Warbaahinta u sheegay inay talo soo jeedinta Madaxweynaha qaateen, “Kulanka aanu la yeelanay Madaxweynaha waxa lagaga hadlayey in Talo-mideysan laha yeesho Arrinka Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, Xeerka Doorashada Golaha Wakiilladana intaasaa ka qabyo, sidaa daraadeedna Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in Arrintaa Axsaabtu talo-mideysan ka yeeshaan, Annaguna waanu ka qaadanay Madaxweynaha (Soo Jeedintiisa)..”ayuu yidhi, Guddoomiyaha WADDANI, Mudane Cirro.

Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI oo ka walaacsan in markale Doorashadu Dib u dhacdoLaakiin, Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga WADDANI Cabdi Raygal Beegsi oo sheegay inaan Guddoomiye Cirro keligii awood u lahayn inuu Talo la qaato Xisbiyada kale iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Mr. Beegsi ayaa ku dooday in kulankii doraad ka dhacay Madaxtooyada ee Guddoomiye Cirro ka qayb-galay lagu qorsheynayey sidii mar kale Muddo kordhin loo samayn lahaa.

“Maanta waxa soo baxay Muddo kordhin, markaa Lama Qaadan karo, Guddoomiyuhu ma isagaa keligii Xisbiga iska leh (Markuu keligii Talo la gaadhayo Xisbiyada kale iyo Madaxweynaha)..” ayuu yidhi, Cabdi Raygal Beegsi.

Telefiishanka Somali News, ayaa Xalay baahiyey in Mr. Beegsi uu sheegay in kulanka dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada ee Cirro ka mid yahay lagu qorsheynayey Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews