berberatoday.com
“Madaxweynaha Ayaa Leh Eedda, Haddii Doorashada Baarlamaanku Dhici Weydo. Isagaa Booskii Rayaale Joogee Ha Qaato Go’aankii Rayaale Oo Kale” –
July 2, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.net)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Guddida Dastuurka iyo Shuruucda ee Golaha Wakiilada, ayaa ka jawaabay eeddo loo soo jeediyey Golahooda, waxaanu sheegay in Golahoodu dhamaystireen wax walba oo ku saabsan Doorashada Barlamaanka, isla markaana warbixintintii ay u gudbiyeen Madaxweynaha, haddii ay Doorashada Wakiiladu dib u dhacdana uu Madaxweynuhu masuuliyadeeda leeyahay.

1

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo arintan ka hadlayana waxa uu yidhi “Halkan waxaan jecelahay in aan in yar oo caddayn ah ka sameeyo, waxa laga yaabaa had iyo jeer dadka markay war moog yihiin wado xagaaf bay qaadan, waxaan saxayaa  niman murashixiin ah oo runtii murasharixiinta golaha wakiilada ah ayaa hadlay, waan soo dhawaynayaa runtii murashiriixntaa, hasa yeeshe war khaldan ayey ku hadleen, waxay eeddii saareen Golaha Wakiilada, waxay canaanteen Golaha Wakiilada,waxay yidhaahdeen xeerarkii iyagaa dib u dhigay, waxay yidhaahdeen inay niman doonaya meesha inay ka tagaan maaha, waxaas oo dhan baa la yidhi, halka kaliya ee aan ka saxayaa waxa weeye sida kale waad u wacan tihiin inaad murashixiin noqotaan waan idinku soo dhawaynaynaa, inaad kuraasidayada timaadaan waan idinku soo dhawaynayaa, laakiin wax aan idinku darayaa wax alaale iyo arin Golaha Wakiilada ku xidhan oo Doorashadii Barlamaanka xanibaya oo anaga nagu hadhay haba yaraate ma jiro, xeerkii waa diyaar, wax waliba waa diyaar, saamigii waa diyaar sidii aanu markii hore u dhignay, xeerarkii oo dhami waa diyaar, arinta dhacday waxa weeye Gobolada qaarkood baa hadhay, siiba Gobolka Boorame oo saami qaybsigii diiday, dabadeed Guddi baa loo saaray Goboladii oo dhan, Goboladii oo dhana wey diideen, sida saamiga ee imika lagu fadhiyo, arinkaasi dabadeed arin naga weyn bay noqotay”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlay warbixinta ku saabsan Saami qaybsiga ee ay Madaxweynaha u gudbiyeen ayaa yidhi “Si wacan inta warbixintii Gobolada loo qoray ayaa Madaxweynaha loo gudbiyey, arinkaasina Somaliland-neey Madaxweynaha ayuu hor yaala, Madaxweynaha ayaa eeddaas leh haddii Doorasho Barlamaan dhici weydo, isaga ayaa haysta isaga ayaa ayaa booskii Rayaale jooga, Rayaale shalay go’aan buu ka gaadhay, Ninka la yidhaahdo Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayey warbixintii hor taala, anaga xeerkii waa naga diyaar, wax alaale wax nagu soo noqdaa ma jirto, go’aanka Doorashada Barlamaanku waxay gacantiisa ku xidhan tahay si aad u fahaantaan oo aan u bal-baaladhiyo waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, marka Raggii halkaas Odayga ka amaanayey, Odayga ayaa arinkii haysta amaanta anaga ayaa mudan, hawshayadii anaga ayaa dhamaynay,  marka ha nagu soo baqinee meeshu halkay taala ee ay  u dhimanaysaa waa Madaxweynaha ee Madaxweynaha ha lala hadlo, anagu diyaar baanu nahaye saacada la yidhaahdo Doorashadii Barlamaanku wey dhacaysaa anagu diyaar baanu nahay, xeerkii la nama weydiinayo, oo xeerkii diyaar baanu u nahay, arinkaygu wuu naga dhan yahay anaga, wax nagu dhimani ma jirto, waxaan doonayey in aan intaas saxo, mudanayasha soo socda waan soo dhaweynayaa, 68 xeer baanu dhamaynay, dalka xeer ka dhimani ma jiro”.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews