Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Garaad Reer Sool Ah Oo Ku Geeriyooday Dalka Sweden
July 2, 2016 - Written by Berbera Today
Sweden(Berberatoday.com)-Axmed Maxamed Siilaanyo, Madaxweynaha Somaliland ayaa Dhambaal Tacsi ah u diray Ehelkii, Qaraabada iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Garaad Abshir Saalax Maxamed oo ka mid ahaa Madax-dhaqameedka Gobolka Sool oo Maanta ku Geeriyooday Dalka Sweden.
Dhambaal Tacsi ah oo naga soo gaadhay Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu yidhi sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, Golayaasha Qaranka, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Garaad Abshir Saalax Maxamed oo ku geeriyooday Maanta 01/07/2016 dalka Sweden.