berberatoday.com
Tirsigii 6- aad , Xog iyo Xaqiiq dhab ah oo ku saabsan Maalgelinta Dekeda Berbera oo noqotay $242 Million oo 30 Sanadood Ah. Qalinkii A/rahman Fidhinle UK
July 2, 2016 - Written by Berbera Today
Heshiiska Balaadhinta Dekeda  Berbera ee ay isla qaateen Xukuumada Somaliland iyo Qareenada Shirkada DPW wuxuu nuxurkiisu ku soo ururay in
Balaadhinta Dekeda Berabera ( extension work ) ay noqon doonto mid ku saleysan sadexdan weji ee hoose oo keliya:
 
1- Phase 0   Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya  (3 Mobile Cranes)   5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reach stackers)  3 Tareele oo containarada qaada  (3 empty  carriers)  New Security  system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga cusub ee computerka ah. Wuxuu heshiisku cadeynayaa in Wejigani  uu ku kacaayo  lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar.
2- Phase 1  Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab.  Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera  7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya containarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigan lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa$170 Million oo Dollar.
3- Phase 2  Wijigani wuxuu qeexayaa in hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan  labada weji ee hore Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75%  ay markaa hirgelinayaan  Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha uu phase 2  lagu Maalgelinaayo ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar.
Isku darka lacagta maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa phase ayaa isku noqonaysa$242 Million oo doolar. Taas oo ah lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berbera u soo xareyso Qaranka Somaliland sanad kasta.
Markaan Sameeyey Daraasad qoto dheer aniga oo baleysin uga dhigaya nuxurka ku duugan “Term Sheetka” heshiiska Wareejinta Dekeda Berbera waxaa nooga iftiimay in uu heshiiskaasi uu khatar ku yahay Qowmiyada iyo Qaranka Somaliland gaar ahaan  Xuquuqda shaqaalaha ka howl-gala Dekeda Berbera iyo Haamaha Shidaalka ee Berbera oo ay wereejintani Saameyn taban ay ku yeelan karto. Waxaana ka mid Saameyntaa Taban ee Tawsta iyo Tiiraanyada leh  qodobadan hoose:
1- Marka ay shirkada DPW ay hantiyaan Mulkiyada  Dekeda Berbera  way sii iibin karaan oo xaqbay u leeyihiin.
2- Waxay DPW xaq u leeyihiin in ay sii kireeyaan Biyaha Dekeda Berbera oo Somalilandna ay marti uga noqoto Hasheedi irmaanayd
3- Waxay DPW ay xaq u yeelanayaa in ay kor u sii kicinayaan cashuurta sanadkiiba laba jeer si ay ula tartamaan Dekedaha mandaqada lacagtoodana ugala soo baxaan.
4- Waxaa Meesha ka baxaaya xuquuqdii shaqaalahii hore ee Dekeda iyo shirkadihii yar yaraa ee Sub-contracts ka qaadan jiray Dekeda Berbera.
5- Waxaa khal-khalaaya cashuurtii xoolaha ka dhoofa Dekeda iyo marinadii ay u dhoofi jireen Xoolaha Somaliland
6- Waxaa khal-khalaaya oo hoos udhacaaya quwadii dawladeed ee Food security hadii ay abaaro dalka ka dhacaan.
7- Sheerarka ay Somaliland yeelanayso waa cad-quudheed oo ah 35% oo loo sii kala qaybiyey $25 iyo $10 aan Ummadda loo cadeyn.
8- Maareyntii iyo Maamulkii Dekeda Berbera marti bay reer Somaliland  ka noqonayaan mudo 30 sanadood ah.
9- Dhamaan Dekedaha kale oo Somaliland Sida Lughaya iyo Xiis iyo Maydh lama maalgelin karo ilaa heshiiska 30 ka sanadood dhamaado.
10- Waxay  Shirkada DPW sameysanaysaa Haamo shidaal oo iyada u gaar ah oo meesha ka saaraya ganacsatadii hore ee Haamaha shidaalka ee Berbera.
 Xukuumada Somaliland waxay  ku caan baxday mudadii ay dalka ka talinaysay  Heshiisyo Qarsoon sida kuwan hoose :
Waxay heshiis qarsoon oo daaha dabadiisa ah ay hore ula gashay  Shirkadihii sameyska ahaa ee Sahaminta shidaalka oo ay ugu horeyso Genal Energey iyo shirkadaha kale ee  DNO, ASDAN, RAC-GAAS, AVEAL, ASANTI OIL, DOPHIN ENERGY, STERLING ENERGY, JACKA RESOURCES, BETRO SOMA,  EAST AFRICAN RESOURCE GROUP iyo Shirkada Chineska ah ee Buuraha Simoodi macdanta ka baadha kuwaas oo aan dhamaan baarlamaanka la hor keenin si ay u ansixiyaan oo shahaadad maalgashi u siiyaan Shirkadahaas.
Guntii iyo Gebagebadii :  Waxaa Golaha Baarlamaanka ee Somaliland laga codsanayaa oo looga fadhiyaa in ay heshiiskan ay xukuumadu la gashay shirkada  DPW ay u kuur galaan oo taxadar badan iyo wada tashi badan ka sameeyaan nuxurka ku duuwan heshiiskan lagu deg-degay ee aan ummadda Somaliland loo soo bandhigin faa’idada iyo khasaaraha ka iman kara maadaama aanay Somaliland laheyn ka hor tag khasaare oo Caymis ah ( Protection Plan )
Fiiro Gaar ah :  Shirkada DPW waxay hore ugu fashilan tahay oo ay qalabkii ka furatay Dekedo badan oo Mandaqada ah sida. Dekeda D-Jabouti,  Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal…… ?
Afeef : Anigu Daaha kama Rogin Dadkuna Wuu arkaayaa “Qormadani waa aniga rayigayga shaqsiga ah , Waana laygu diidi karaa, Lagana doodi karaa, layguna garaabi karaa.” loona qushuuci karaa “
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews