berberatoday.com
Xildhibaankii Ugu Da’da Weynaa Golaha Wakiillada Oo Geeriyooday Iyo Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray
July 2, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, ayaa Shacabka ka Tacsiyadeeyay Geerida Alle ha u Naxariistii Marxuum Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen (dhaadheere) oo ahaa Mudanihii ugu Da’da weynaa Golaha Wakiillada Somaliland, oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska Maanta.

Dhambaalka Madaxweynaha ayaa u qornaa sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, Golayaasha Qaranka, Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen (dhaadheere) oo ku geeriyooday Ingiriiska Maanta 01/07/2016.

Xildhibaanku wuxu ka tirsanaa 82-ka Xildhibaan ee golaha wakiilada Somaliland, isagoo ka mid ahaa xubnaha ugu da’a weyna mudanayaasha wakiilada, Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Oday waayo arag ah oo door muhiima ku lahaa dib u dhiska iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland ku dhaqan, isagoo door muhiima ku lahaa dhismaha qaranka, oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa horumarkiisa dhismihiisaba.

13512155_994559810657872_3294084935915680057_n

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews