Xildhibaano Awdal Iyo Sool Ka Soo Jeeda Oo Ka Hadlay Qaddiyadda Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiilda
July 2, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale., oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolada darafyada Somaliland, gaar ahaan Sool iyo Awdal ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan kulankii uu Madaxweynuhu la yeeshay Axsaabta ee ku saabsanaa xal u helida saami qaybsiga oo ilaa hadda xal laga gaadhin.
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale., oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Saleebaan Cali Koore wuxuu yidhi yidhi “Kulankan Madaxweynaha iyo Axsaabtu wuxuu ahaa mid iba fur ah,oo bar bilow u ah xal u helida saami qaybsiga,waxa uu ahaa kulan ah sidee ayeynu wax nidhaahnaa iyo halkee aynu wax ka bilawnaa, waxaana run ah in arinka saami qaybsiga oo ilaa lixdankii taagnaa ilaa hadda xal muuqda laga gaadhin, cid gaar ahina xal kama gaadhi karto, go’aana kama soo saari karto, waa arin culayskiisa wata markaas in laga wada tashado oo la iska arko, oo ay la kulanto cida quseeyso waa arin loo baahan yahay”.