Ciyaar La Isku Daalay Kaddib Xulka Jarmalka Oo Rigooreyaal Ku Reebay Talyaaniga Una Gudbay Afar Dhammaadka Tartanka Koobka Qaramada Yurub
July 3, 2016 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com)-Xulka qaranka Jarmalka ayaa ciyaar la isku daalay kaddib rigooreyaal 6-5 uga adkaaday Talyaaniga, waxaana uu sidaas ugu soo baxay afar dhammaadka koobka qaramada Yurub ee ka soconaya Faransiiska.

Labada xul ayaa soo bandhigay kubbad weerar ku dhisan oo fursado halis ah la isku helay labada dhinac qeybta hore, laakiin waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.