berberatoday.com
Gudoomiye Cali Guray oo Waxba Kama Jiraan ka dhigay Xilka qaadistii Faysal sheegay inuu Ku Sameeyey Gudoomiye Rooda Axmed Yaasin Iyo Daliil Sharci oo aan la Dhaafi Karinna Hordhigay
July 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

“Waxba kama jiraan warqadda dabayluhu wataan Gobolka Saaxil iyaga ayaa xaq u leh inay gudidooda doortaan. Talaabadan iyo kuwii horeba isagaa iska qoray. Shakhsl UCID ah oo Gobolka Saaxil ah oo ogolaanayaa ma jiro waayo wax talo ah oy ku leeyihiin ma jirto Xeerka UCIDna ma waafaqsana. Bal u fiirso xataa midabka astaanta UCID sax maaha”.

cali-gurey

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) ayaa gabi ahaanba waxba kama jiraan ka dhigay, Xilka qaadis uu ku miseeyey mid ay Dabaylo sitaan oo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe sheegay inuu ku sameeyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil, Marwo Rooda Axmed Yaasiin. Warqadda uu faysal qoray waxa uu sheegay Gudoomiye Cali guray inay sharciga baalmarsan tahay, sidoo kale waxa uu iftiimiyey in aanay Warqadaasi lahayn Calaamada Xisbiga, balse ay huwan tahay kalar kale.
Gudoomiye Cali Guray waxa uu badka keenay cida Xilka ka qaadi kartaa Guudomiyaha gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasin, isagoo sheegay inay Xilka qaadisteeda iyo doorashadeeda labaduba ay iska leeyihiin Guddida Gobolka ee Xisbiga Ucid oo aan loo gacan dhaafi karin. Waxa uu intaa ku daray inay Warqadaasi ay la mid ahayd kuwii hore ee Dabayluhu siteen. Muj. Cali guray waxa qoraal uu soo saaray ku faahfaahiyey burburinta uu Xisbiga ku hayo Faysal Cali Waraabe. Waxanu qoraalkiisa oo uu ku baahiyey Facebooka ku yidhi Sidan.
“…Waxba kama jiraan warqadda dabayluhu wataan Gobolka Saaxil iyaga ayaa xaq u leh inay gudidooda doortaan. Talaabadan iyo kuwii horeba isagaa iska qoray. Shakhsl UCID ah oo Gobolka Saaxil ah oo ogolaanayaa ma jiro waayo wax talo ah oy ku leeyihiin ma jirto Xeerka UCIDna ma waafaqsana. Bal u fiirso xataa midabka astaanta UCID  sax maaha. Bal aan eegno Mushruuca burburinta UCID ee qandaraaska uu ku soo qaatay inta uu socdo.
Faysal wuxu taagan yahay UCID waa aniga ee anigu UCID ma ihi wax shaqaynayana maaha in uu qof keligii xisbi noqdo. Taariikhda markii horeba madoobayd ee ina Cali Waraabe tanna waxay ka dhigtay haduu sii go’ay
Ninka xisbi hogaamin kari waayay ee qaran inu hogaamiyo ku taanayaa wuxu ka dhigan yahay kii adhiga raaci kari waayay ee yidhi aan geela raaco. Faysal maqal laguma aamini karo. Dawladan malaha waxay ahayd in la yidhaa Dawladii Burburinta Xisbiyada Qaranka taas macnaheedu wuxu noqonayaa inay cadow u tahay dhismaha qarannimada Somaliland hadii aanay ka ahayn caqligaabnimo iyo ANAASU ACDAA UN BIMAA JAHILUU( dadku waa u cadow wixii ay jaahil ka yihiin ama aanay aqoonin.
Markaa Reer Somaliland gaar ahaan reerka Isaaq la yidhaa way rumooday in aanay waxba ka aqoon qaranimo iyo dawladnimo waxba ka aqoonin. Markaa qaran dhis ma looma jeedo eh reero wada yaal oo nabad ku wada jooga kolba cidda mar kursi hesha ee loo doortaana ay intay doonto iskaga fadhido kana dhaqato oo inta intay ka urursan karto ka urursato. Sidaasina dawladnimo iyo qarannimo midna laguma sheegi karo mar hadii aan dastuurkii iyo shuruucdii la dhigtay aan laguna dhaqmayeen wax macno ah oy leeyihiina aanay jirin”.  Ayuu yidhi Gudoomiye Cali Guray.
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews