“Hadday 7 Sano Inagaga Dhamaaneyso Lacagta DP World Ku Maalgelinayso Dekedda Berbera, Maxaa Innagu Kelifaya Inay 65% Qaadato 30 Sanadood….” ?Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan
July 3, 2016 - Written by Berbera Today
Xildhibaan Guurtida Ah Oo Dersay Dakhliga Sannadlaha Ah Ee Dekedda Berbera
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa isbarbar-dhig ku sameeyay Dhaqaalaha Dekedda Berbera Wakhtigan ka soo gala Dalka iyo Dhaqaalaha Shirkadda DP World ku Maalgelinayso, waxaanu su’aal geliyey waxa kelifaya in Shirkadda DP World muddo 30 Sannadood ah qaadato 65% haddiiba intaa Afar jeer ka yar loogu celin karo Lacagta ay ku maalgelinayso.
Xildhibaanka oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Dekedda Berbera Sannad walba ay ka soo degaan boqol kun illaa Boqol iyo Labaatan kun oo Koontiinar, taasi oo Lacagta ka soo gasha Dekedduna noqonayso 38 Milyan iyo dheeraad, halka tobankii Sannadoodna ay noqonayso 381 Milyan iyo 600,000 dollar. Sidaa daraadeedna muddo 7 Sannadood ah DP World loogu celin karo Lacagta ay ku Maalgelinayso Dekedda, waxaanu u soo jeediyay Xukuumadda in laga fiirsado heshiiska Shirkadda DP World ee dhigaya inay 65% qaadato Dhakhliga Dekedda Muddo 30 Sannadood ah.